|
|||||
WAJAALE NEWS
Weedhihii Laga Guntay Gudoomiye Muuse Biixi Ee Ku Aadanaa Siyaasiyiinta Reer Gabiley Oo u Muuqda Kuwo Wakhtigooda Haysta Iyo Xidhiidhka Ka Dhaxeeya Iscasilaadii Boobe !!!!
March 5, 2016 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N) Siyaasiyiinta Kasoo jeeda gobolka gabilay oo inta badan door muhiim ah ku leh giraanta wareegta ee siyaasada dalka, ayaa badi intoodii miisaanka ku lahayd gobolku aanay gacangta ugu jirin xisbul xaakimka Kulmiye Kadib guushii xisbiga ee xiligii siilaanyo balse guushii xiliga siilaanyo uu midba meel kaga tagay hasayeeshee mudo lix sano ah kadib ayaa waxa murashaxa xisbiga loo cumaamaday Muuse biixi Cabdi. iyada oo qaar ay la safan yihiin xisbiga mucaaridka ah ee Wadani, halka ay qaar kalana aanay xiligan la socon Saaxada Siyaasada oo ay ka biyo diidsan yihiin. Hadaba xiliyada la kaftamayo amaba muuse biixi wax laga waydiiyo sobobta uu u kasban waayay gudoomiye Muuse Biixi oo ay meel kasoo wada jeedaan siyaasiyiinta reer Gabilay ayaa la xusaa weedh miisaaman oo uu ku cabiray gudoomiyuhu sida uu ku kasban karo siyaasiyiintan waxanay u dhignayd sidan: “Siyaasiyiinta Gabilay mar waan hantiyi doonaa balse inta waqtiga ka hadhay qaar Wadani ayay igu sugayaan kuwa kalana iyagaa iman” Kalmadan ayaa noqotay kalmad waqtigeeda sugaysay waxaana durbaba xilkii uu xisbiga Wadani u hayay iska casilay xog hayihii Warfaafinta ee xisbigaas Boobe Yuusuf Ducaale oo ahaa xubin muhiima kana mid ah siyaasiyiinta miisaanka culus ku leh guud ahaan somaliland iyo gobolka Gabilay balse ka maqnaa gacanta xisbiga Kulmiye, waloow aanu masuulkani cadayn xisbiga uu la safan doono hadana waxaa shaki wayni ku jiraa in gacan hoose oo xisbiga Kulmiye ahi jirto. Si kastaba ha ahaatee lama saadaalin karo in siyaasiyiintaas mid mid ugu soo hooban doonaan xisbul xaakimka Kulmiye sidii uu hore u sheegay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna musharaxa madaxweyne ee xisbigaas Muuse biixi Cabdi iyo inay la jaanqaadi doonaan kolba wacdiga siyaasadeed ee jira. Qalinkii Farxaan Maxamed Barkhad Related posts:Lataliyaha Madaxweynaha J.S.L Ee Gobolada Bariga Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Walalaha Ah Ee Ku ... Fadeexado Dibada Uga Soo Baxay Casuumad Gudoomiye Muuse Biixi u Sameeyay Xubno Ka Mida Golaha Dhexe ... Madaxweynaha Somaliand iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Maanta U Kicitimay Magaalada Jigjig ee Dawlada De... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|