“Waxaan Uga Digayaa Cid Kasta Oo Soo fara Galisa Saldanada Subeer Awal In Ay Cawaaqib Xumo Kala kulmi Doonto,Suldaan Xasana Wasiir Maaha Agaasime Guudna Maaha. Ee Waa Hogaan Dhaqan”MUJ JIDHIF. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxaan Uga Digayaa Cid Kasta Oo Soo fara Galisa Saldanada Subeer Awal In Ay Cawaaqib Xumo Kala kulmi Doonto,Suldaan Xasana Wasiir Maaha Agaasime Guudna Maaha. Ee Waa Hogaan Dhaqan”MUJ JIDHIF.
March 25, 2016 - Written by Editor:

Taliyihii Hore Ee Ciidanka Qaranka Maxamed Xasan C/lahi Oo Si Adag Uga Hadlay Farogalinta  Saldanada Subeer Awal.

HARGAYSA(Wajaalenews) Taliyihii Hore Ee Ciidanka Qaranka Somaliland GEN  Maxamed Xasan C/lahi (Jidhif) ayaa si adag uga hadlay  Dhawrsanaanta Saldanada beelaha Subeer Awal oo mudooyinkii ugu danbeeyay siyaasadaynayd.

Muj:Maxamed Hasan  C/laahi oo la hadlayay warbaahinta ayaa hadaladiisii waxaa ka mid ahaa:

“Saldanada Subeer Awal runtii waa saldanad guun ah oo soo martay marxalado badan lana soo dhaqantay Dawladihii soo maray gayiga somalida intaasna runtii waa la kala dhaxlayay xiligana waa uu nool yahay suldaan Xasan waanu shaqaynayaa ,waxaanan uga digayaa cid kasta oo soo fara galisa saldanada subeer awal in ay Cawaaqib xumo kala kulmi doonto,Suldaan Xasan Wasiirna maaha Agaasime guudna maaha. ee waa hogaan dhaqan,

Sidoo kale Muj Jidhif  oo hadalkiisa sii wata  wuxu yidhi “Waxaa bari jiray laba nin oo walaalo ahaa midna taajir ayuu ahaa midna faqiir,ka dib dadkii ayaa ku canaantay ninkii taajirka ahaa inuu wax u qabto walaalkiisan faqiirka ah,waanu ka garaabay ninkii taajirka ahaa.

ka dib waxa ay labadii nin ee walaalaha ahaa wada seexdeen bakhaarkii xooluhu yaaleen oo uu lahaa ninka taajirka ah,Abaaro sadexdii habeenimo ayuu ninkii faqiirka is yidhi daaqada ka tuur sanduuq shaaha ilayn daaqadu shabag ayay lahayd,sanduuqiibaa dhulka ku soo dhacay,ninkii taajirka ahaa ayaa soo toosay uu yidhi maxaa idin helay,ninkii saboolka ahaa ayaa ugu jawaabay waa  walaalkaa oo wax aan suuro gal ahayn wad wada. markaa waxan leeyahay cida ku hawlan faro galinta saldanada Subeer Awal  waxay lamid tahay ninkaa aan kor kusoo sheegay,

muj jidhif and suldaan xasan

MUJ JIDHIF Suldaan Xasan wuu nool yahay  saldanada subeer Awalna waa muqadas waana lama taabtaan waxaanan u sheegayaa shacab weynaha ku dhaqan Somaliland gudo iyo dibadba in aanay saldanadii Subeer Awal ee guunka ahayd wax Alaale waxay yeeli karaan aanay jirin cidkasta oo isku daydaa faro galinteeda.

Gabagabadii waxaan lee yahay Suldan Xasan Suldan C/lahi Suldan C/raxmaan Suldaan Diiriye waxa aad naga mudan tahay sharaf iyo karaamo waxaanan leeyahay geerida dishaay geedkaa ha go,o.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS