Warbixin Uu Wargeyska “The Indian Ocean” Ka Qorey Wasiirada Uu Doonayey Muuse Biixi In Xilka Laga Qaado,Talada Ay Siiyeen Dadka Ka Ag Dhow Iyo Qorshaha Isaga Iyo Aamina Waris | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warbixin Uu Wargeyska “The Indian Ocean” Ka Qorey Wasiirada Uu Doonayey Muuse Biixi In Xilka Laga Qaado,Talada Ay Siiyeen Dadka Ka Ag Dhow Iyo Qorshaha Isaga Iyo Aamina Waris
March 3, 2016 - Written by Editor:

Wargeyska caalamiga ah ee The Indian Ocean oo warbixin dheer ka qoray qorshaha Muj.Muuse Biixi Cabdi ayaa ku sheegay inuu doonayey in xilka laga qaado qaar ka mid ah wasiirada ugu tunka waaweyn ee Somaliland.

Wargeyska ayaa warbixinta ku bilaabey in, Musharraxa madaxweyne ee xisbiga talada dalka haya ee Muuse Biixi Cabdi ka cadhoodey isku shaandheyntii Uu Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ku sameeyey qaar ka mid ah golihiisa wasiirada 14-kii bishii Feeberwari ee sannadkan.

Warbixinta wargeyska oo sii socota ayaa,Kaddib Muuse Biixi Cabdi waxaa uu ka faa’iideystey inuu safarro ku kala bixiyo gobolada galbeedka Somaliland,si uu ugu caddeeyo gobolada Galbeedka horumarka ay xukuumaddu ku tallaabsatey,isaga oo aan ka werhayn taageerada ay u hayaan goboladaasi.

 

Musharraxa Madaxweyne ee xisbiga KULMIYE Muj.Muuse Biixi Cabdi waxaa uu si weyn ugu rajo weynaa in la casilo qaar ka mid ah wasiirada ugu tunka waaweyn ee xukuumadda Somaliland,wasiirada uu doonayey in la casilo ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka wasaaradda maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan,Wasiirkii hore wasaaradda warfaafinta ahna immika wasiirka xannaanada xoolaha Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse iyo wasiirka arrimaha gudaha SomalilandMd.Cali Maxamed Warancadde.

 

Wargeyska ayaa sidoo kale warbixintiisa ku xusey,in uu Muuse Biixi Cabdi ka shakiyey inay wasiiraddaasi wiiqayaan ololihiisa doorashada madaxtinimada ee sannadka 2017.Balse madaxweyne Siilaanyo ayaa isku beddel ku sameeyey qaar ka mid ah wasiir ku-xigeenada,wallow ay qorshaha wada wateen Muuse Biixi Cabdi iyo Marwada

 

Koowaad ee madaxweyne Siileenyo,Marwo Aamina Maxamed Jirde.

 

Kooxaha taageersan Muuse Biixi Cabdi musharraxnimadiisa ayaa doonaya inay sugaan illaa inta ay dhammaaneyso is-diwaangelinta doorashada,ka hor intaaney dhicin isku shaandheynta.

 

Habka ay rajeneyso Marwada Dalku ayaa ah inay ka fogaadaan suurto galnimada in wasiirada xilka haya inay ku kiciyaan bulshada ay ka soo jeedaan inay qaadacaan nidaamka is-diwaangelinta doorashada.waxaana ay gundhig u noqoneysaa in ay xilka waayaan wasiiradaasi.

 

Wargeyska The Indian Ocean oo warbixintiisa sii wada ayaa sheegay,in go’aanka Madaxweyne Axmed Siilaanyo xaqiijiyey oo uu caddeeyey kala qaybsanaanta gudaha xisbiga KULMIYE.

Dadka Muuse Biixi Cabdi ku dhow-dhow ayaa kula taliyey inuu isagu (Muuse Biixi)laf ahaantiisu ka fogaado waxyaabaha ay bulshadu u taqaanno sida kibirka iyo musuq-maasuqa.

Halkan Ka Hoose ka akhri qaybo ka mid ah warbinta wargeyska oo Af-ingiriis ah iyo linkiga wargeyska :-

The presidential candidate for the ruling partyKulmiye,Musa Bihi Abdi, is fuming against the cabinet reshuffle which was announced on 14 February by Somaliland PresidentAhmed Mohamed Mahamud,

Musa Bihi Abdi had nevertheless hoped that certain ministers would be removed – Zamzam Abdi Adan (finance), Abdillahi Cukuse (telecommunications) and Ali Mohamed Waran Cade (interior) – whom he suspects of undermining his campaign for the 2017 presidential election.

she (Aamina Waris) hoped to avoid the possibility that the ousted ministers might try to incite the population in their respective regions to boycott the voter registration process.

Silanyo’s decision confirms the divisions inside Kulmiye. People close to Musa Bihi Abdi advise him to distance himself definitively from the executive, which is seen by a portion of the population as supercilious and corrupt.

 

 

Linkiga wargeyska

http://www.africaintelligence.com/ION/politics-power/2016/02/19/strong-tension-over-mini-reshuffle,108130944-ART

COMMENTS
LINKS