War-saxaafadeed, Xisbiga kulmiye ;BEENIN Warka been-abuurka ah Ee Saxaafadda Loo Diray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War-saxaafadeed, Xisbiga kulmiye ;BEENIN Warka been-abuurka ah Ee Saxaafadda Loo Diray.
March 24, 2016 - Written by Editor:

“Xisbiga KULMIYE waxa Uu Caddaynayaa In Aannu ka Hadhin Doonin Cidda ku Kacday faldambiyeedkan Beenta Lagaga Sheegay Guddoomiyaha Iyo xisbigaba, Isla Markaana Uu Sharciga La Tiigsan Doono”.,Xisbiga Kulmiye.

War-saxaafadeed,  warka been-abuurka ah ee saxaafadda loo diray

                                                                                                                           Date: 24/03/2016

Ujeeddo: Beenin

Waxaan halkan ku beeninaynaa war been abuur ah oo lagu sheegay inuu soo saaray Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, kaas oo uu ku taageeray suldaan cusub oo dhawaan la caleemo-saaray.

Warkaasi been abuurka ah oo saxaafadda looga diray emayl (email) loo eekaysiiyey ka waaxda warbaahinta xisbiga KULMIYE, waa mid aanay habayaraatee waxba ka jirin oo ah xumaan iyo ujeeddooyin la doonayo in bahdilaad lagu sameeyo Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga.

Emaylka ama ciwaanka internetka rasmiga ah ee xisbiga KULMIYE waxa uu u qoranyahay si ka turjumaysa ujeeddada magacu taagan yahay oo ah sidan; kulmiyemedia@gmail.com, halka emaylka been-abuurka ah ee warbaahinta warka aan jirin looga diray uu yahay sidan; kulmiyemedie@gmail.com.

Xisbiga KULMIYE waxa uu caddaynayaa in aannu ka hadhin doonin cidda ku kacday faldambiyeedkan beenta lagaga sheegay Guddoomiyaha iyo xisbigaba, isla markaana uu sharciga la tiigsan doono. Waxa kaloo aannu warbaahinta ku boorrinaynaa inay ka fiirsadaan wararka la soo gaadhsiinayo iyo meelaha looga soo dirayo.

 

Alla             Mahad            Leh

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

 

COMMENTS
LINKS