War Deg Dega:Garabkii Isbahaysiga Kulmiye Iyo Xisbiga Wadani Oo Mar Dhawaeyd Shir Uga Furmay Hotel Ambasador +Maxamed Biixi Iyo Kijaandhe Oo aan Kasoo Qayb galin | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Dega:Garabkii Isbahaysiga Kulmiye Iyo Xisbiga Wadani Oo Mar Dhawaeyd Shir Uga Furmay Hotel Ambasador +Maxamed Biixi Iyo Kijaandhe Oo aan Kasoo Qayb galin
March 5, 2016 - Written by Editor:

Hargaisa(wajaalenews)Garabkii is bahaysiga Kulmiye ee ka cadhooday xisbul xaakimka kulmiye ayaa mar dhawayd shir albaabadu u xidhan yihiin la galay xisbiga kale ee muaaaridka ah ee Wadani. shirkan oo ka qabsoomay hotel Ambasador ee magaalada Hargaisa ayaan wali kasoo bixin wax natiijo ahi shirka oo socda awgeed waxaana wararka ay shabakadan wararka ee wajaalenews healysaa tibaaxayaan in laba dhinac ee kala matalaya labada xisbi isla gorfeeyeen arimo dhawr ah oo ay kamid tahay dhinaca qaybsiga mansabka ay ku yeelan doonaan garabka cusubi.

Dhinaca Kale Waxaan Shirkan Kasoo Xaadirin wasiirkii Hore ee arimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis iyo xildhibaan kujaandhe oo labaduba xubno muhiim ah u ahaa garabka dimuquraadi doonka xisbiga Kulmiye mana cada sobobta ay dibad joog uga yihiin xubnahani shirkan balse wararka ay shabakadan wararka ee wajaalenews halasaa tibaaxayaan in xildhibaan Kijaandhe baryahanba ay madaxtooyadu u gacan haadinaysay taasina suuragal kadhigi karto in uu mar kale la safto Xisbiga Kulmiye

lama saadaalin karo waxa kasoo bixi kara balse waxaa baryahanba si wayn loo hadal hayay halka ay isgu biyo shuban doonaan garabkan ban jooga ahi waxaana xusid mudan in xisbiga kale ee Ucid isagana ay la bilaabeen wada hadal.

wixii war ah ee kasoo kordha kala soco shabakada wajaalenews

Wajaalenews

Hargaisa office

COMMENTS
LINKS