|
|||||
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Gaadhay Dalka Jabuuti.
March 16, 2016 - Written by Wariye:Hargeysa(WJN):-Warar hada soo gaadhaya shabakada wararka Wajaalenews ayaa sheegaya in Wafti balaadhan oo uu hogaminayo wasiirka wasaarada arimaha gudaha somaliland oo ay kamid yihiin saraakiisha ciidamada kala duwan ee somaliland ay xalay abaaro 12 habeenimo ay gaadheen magaalada jabuuti ee dalka jabuuti. Ujeedada safarka ay waftigani ku tageen dalka jabuuti ayaa salka ku haya sidi ay uga wada hadli lahaayeen sababta keentay dagaal malintii isniintii dhex maray ciidamada badda ee somaliland iyo kuwa jabuuti. Dagalkan dhex maray labada ciidan ayaa waxa uu sababay khasaare ah dhimashada hal askari oo ka tirsan ciidamada badda somaliland halka hal askari oo kalena ku dhaawacmay. Waxana la filayaa inay maanta kulamo ay yeeshaan madaxda dalka jabuuti iyo waftigan wasiir waran cadde hogaaminayo iyadoona la filaayo inay natiijo fiicani kasoo baxdo. Hargeisa Office Related posts:Daawo: Suldaanka Guud Ee Beelaha Sacad Muuse Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Ku Dagaalamaya Buuhood... Muj Sahra Halgan Oo ka Hadashay Qoraal Ay ay Hore U Qortay oo si Qaldan loo Adeegsaday, Eedo Culusna... DAAWO:-Hooyada Dhashay Cabdilaahi Sheekh Cabdiraxmaan Oo Lix Sano Ku Xidhan Dalka Jabuuti Oo Fariin ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|