UJEEDO :-War Murtiyeed XIsbig WADANI Ee Gobolka Gabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
UJEEDO :-War Murtiyeed XIsbig WADANI Ee Gobolka Gabiley.
March 29, 2016 - Written by Editor:

12/01/2016 ayay ahayd Markii ugu Horaysay ee Diiwaan Galinta Codbixiyayaasha Laga Bilaabo Dalka Somaliland Gaar ahaan Gobolka Tog Dheer iyadoo ay dadka ku dhaqan Gobolkaasi ay aad uga Cawdeen In Waxkhtigan aanay ku Haboonayn in Diiwaan Galinta Codbixiyayaasha La Bilaabo Abaaro Baahsan oo ku Habsaday Dalka Dhamaantii Laakiin May suura Galin in ay Joojiyaan ee Waa la Dhaqan galiyay waanay ku Qasbanaadeen in ay Shacabka Reer Tog dheer is diiwaan Galiyaan iyadoo la ogyahay Abaarta Haysata iyo Duruufta ay ku Noolyihiin.

Sidoo kale waxaa iyadna Gobolkii Labaad laga Bilaabay 12/02/2016 Gobolka Awdal iyadoo Jiilaalkii uu sii Daba dheeraaday dadkiina Xoolihii ka dhamaadeen abaartuna aad ugu daran tahay Gobolada Galbeedka Goobaha Qaarna laga Soo sheegayey in dad Gaajo u dhinteen,

Waxaa  ka Hadlay Odayaasha dhalinyarada waxgaradka  haweenka reer awdal in aanay Xaalka lagu Jiro Diiwaangalin lagu Galikarin ee dadka la Badbaadiyo Dhag Jalaq looma siin ee Xukuumada iyo Komishanka Qaranku waa ay ka Diideen iyagoo yidhi time line ayaa noo Qorshaysan oo Hadaan wax ka Badalno Waxa baa xumaanaya oo Diiwaan Galinta ayaa Fashilmaysa dadkii reer Awdalna sidaa ayay ugu Khasbanaadeen in ay is Diiwaangaliyaan.

10/03/2016  ayaa  Magaalada Barbara lagu Daah Furay in Gobolka Saaxil  oo lagu Daray Gobolka Gabiley iyo Gobolka Hawd laga Bilaabo Diiwaan Glinta Codbixiyaha  iyadoo sidii oo kale ay shacabka iyo wax garadka Goboladaasi ay aad ugu Qaylyeen in  dadkii isdiiwaangalin lahaana ay Xoolihii ay haysteen ula hayaameen dhinaca waqooyi halkaasina ay xoolihii kaga leedeen iyaguna faro madhan kala soo noqdeen ayaa tusaale ahaan Gobolka Gabiley waxaa is Diiwaan Galiyey 50%  iyadoo abaaraha ku Habsaday ay u Dheerayd wacigalin la,aan uu komishanku qandaraaska soo siiyey dad aan aqoon u lahayn Gobolka iyo deegaanada la dhigayo Diiwaangalinta iyagoo markaad waydiiso dadka Tuulooyinka ay Sheegayeen in ayna kala Garanayn  Baauurta talaalka Booliyada iyo diiwaangalinta iyo iyadoon la fahansiin shacabka labada kaadh waxa ay kala yihiin  halka commisionku ku xidhayeen in ay dadku soo qaataan kaadhka dhalashada sidaana ay ku helayaan kaadhka diiwaangalinta.

Iyadoo waxaas oo caqabad ah ay ku soo dheceen Goboladaa aan kor ku soo Sheegnay ayaa waxaa wax lala ayaabo noqotay  Hadal ka soo Yeedhay Guurtida Xukuumada iyo Labada Xisbi ee Kulmiye iyo Ucid oo dhawaan iyagu isku Milmay in ay dalka abaari ka Jirto Sidaa Darteedna Diiwaangalinta Codbixiyaha Dib loo Dhigo  Taasi Miyaanay u Muuqan in Labada Gudoomiye ee Kulmiye iyo Ucid ay Dareemeen Abaarta dalka ka Jirta  Markii la soo gaadhay Gobolka ay u Dhasheen miyaanay ogayn wadciga uu dadku ku noolaa ama Goboladii ka Horeeyay mise Alaybaday abaari mahayso Farawaynana Abaarbaa ka jirta  Balaygubadlena abaari kama jirto Salaxlayna way ka jirtaa.  Taasi wax la qaadan karo maaha ee dalka cadaalad halagu dhaqo  Goorma ayaan Noqonay laba dal miyaan la odhan Karin xukuumadu way ku Fashilantay  sidii ay ugu Fashilantay Ciyaarihii Gobolada dalka

Xukuumada iyo Guurtidu uma socoto abaaro ee waa  gedkale oo waxay doonaysaa waa Gadeedii iyo koradhsiimo kale.

Qodobada ugu muhiimsan ee arintan cusub loo soo dhigay waxa ka mida xisbul xaakimka oo ka shakiyey taageeradii dadka kadib markii uu faraha la galay arrimo dhaqan oo uu isku dayay inuu bedelo suldaankii subeer awal, taasi oo dadka intii ku hadhsanaydna ka dareereen, iyo qodobka labaad oo ah qalalaasaha ka dhextaagan xisbiga UCID oo xukuumada iyo xisbul xaakimku dabada ka riixayaan si xisbiga loo baabiiyo.

Markale Faysal iyo Muuse Biixi  waxay leeyihiin dadkayagii na taageersanaa ayaa geelii la hayaamay oo fiiq iyo goday la tagay.

Runtu waxay tahay abaarta ka jirta Gabiley iyo Awdal abaar ka ba’ani kama jirto caasimada gudaheeda iyo xataa gobolada kale ee Somaliland.

Sidaa darteed waxaan ku Baaqaynaa

In Diiwaan galinta Codbixiyayaasha ay sidii loogu talo galay ay u Socoto iyadoo la ilaalinaayo Jiritaanka iyo wada Jirka Shacabka Somaliland

In diiwaangalintu aayna noqon sidii ciyaarihii Gobolada ee Badha la Qabtay Qaybtii kalena aynaan garanayn Meel ay ku Danbaysay meel aay ku dambeysay aan la garaniiy

In Guurtidu iyo Xukuumadu Faraha kala Baxaan Faragalinta ay ku Hayaan Komishanka Doorashooyinka

In Komishanku u Madax banaanaadaan Shaqadooda ilaaliyaana cadaaladii lagu aaminay iyo dhaartii ay mareen. Hadii kale waa Bar Madaw oo ku Taala Taariikhdooda.

Muuse biixi yow ha ku sinnaadaan Faraweyne iyo Allaybaday  dadku waa isku xuquuq waa dad meel wada dega oo isku deegaan ah.

 

 Xildhibaan Xasan Axmed Maxamed

Guddoomiyaha Xisbiga WADANI, G. Gabiley

COMMENTS
LINKS