UJEEDADA Casho Sharaf Ay Soo Agaasintay Marwo Ruqiya Budle Oo Kamida Qurba Joogta Reer Somaliland oo Kulmisay Masuliyiinta Dhawaan Madaxwayne Siilaanyo Xilalka u Magacaabay iyo Badi Haldoorka Gobolka Gabiley.DAAWO SAWIRO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
UJEEDADA Casho Sharaf Ay Soo Agaasintay Marwo Ruqiya Budle Oo Kamida Qurba Joogta Reer Somaliland oo Kulmisay Masuliyiinta Dhawaan Madaxwayne Siilaanyo Xilalka u Magacaabay iyo Badi Haldoorka Gobolka Gabiley.DAAWO SAWIRO
March 6, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Marwo Ruqiya budle oo kamida haweenka qurba joog reer gabiley islamarkaana ah doorwayn ka qaadata arimaha horumarinta gobolka gabiley ayaa caawa huteel maansoor casuumad sharaf ku maamuustay masuuliyiin reer gabiley ee dhawaan  madaxwayne siilaanyo xilalka  u magacaabay.

casuumad man 6 casuumad man 9 casuumad man 1o casuumad man 11

madashan casho sharafta ah ayaa badi kulmisay haldoorka gobolka gabiley iyo xubno kale oo kamida qurba joogta reer gabiley ee ku dhaqan cariga ingiriiska,

waxaana kasoo qaybgalay wasiirka warshadaha, wasiirka ganacsiga, afhayeenka madaxwaynaha , maayarka magaalada gabiley, xogahaya dawlada hoose ee gabiley, xildhibaano kamida golaha wakiilada  Sidoo kale waxaa kaso qayb galay xubno haween ah  oo kamida hogaanka sare ee xisbiga kulmiye iyo masuuliyiin kale,


casuumad man 14

casuumadan oo u jeedadeedu ahayd sidii loogu soo dhawayn lahaa xubnaha cusub ee xilalka dhawaan  loo magacaabay, sida wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah Eng xuseen aadan cige, iyo afhayeenka madaxtooyada Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)

casuumad man 6

ugu horay waxaa halkaa kalmado soo dhawayn iyo hambalyo iskugu jira ka jeedisay marwo Ruqiya budle

iyadoo ku amaantay sida qiimaha leh ee ay usoo ajiibeen casuumada ay u fidiyeen haweenka qurbaha ku sugan ee reer gabiley.

waxaana halkaa dhawaan hadalo kookooban kasoo jeeday guud masuuliyiintii kasoo qaybgalay sidoo kale kulan ayaa lagu soo qaaday sidii siwada jir looga shaqayn lahaa , xaalada abaaraha ee kajirta deegaanada gabiley iyo wixi kusaab san  horumarinta iyo adeegyada gobolka

COMMENTS
LINKS