|
|||||
WAJAALE NEWS
Tiirar Aasasiga Qiimaha Habka Dawladnimada.
March 16, 2016 - Written by Wariye:Dawlada Somaliland waa dowlad sugtay amaankeeda dhul,cir, iyo badba,waxay kale oo ay qayb weyn ka qaadatay sugida amaanka deriskeeda Dawladi waa inay tahay mid leh dabeecad siyaasadeed ka madax banan dhamaan dawladaha kale.Tani waa sifaha qaranimo ee madax banaanida.Somaliya maanta uma taagna ama ma laha astaamihii qaranimo. Somaliya waxaa ay ka koobneyd laba dal oo midoobay 1 July 1960 dhisayna dal madax banan oo leh dawlad ka madax banan dawladaha kale.Nidaamka Dawlad waa xidhidhka u dhexeeya siyaasiyan abaabulida iyo isku dubaridida Adamaha kooxo kuwaas oo degan dhul,aanay cid kale ku maamulin,ama awood kale oo ka sareysaa aaney jirin, kuna faraxsan una kala socda si maxbanaan mid wal oo ka mid ahiba (isku socod aan xadaysneyn). Dawladanimadu waxaa ay leedahay shan qiime oo aasaasi ah: 1) Amaanka(Security): Waa lafdhabarta dawladnimada,hadii dawladi sugi kari weydo amaanka dhulka ay maamusho waa dawlad fashilmatay,oo aan waxba ugu filneyn qarankeeda. Tusaale waxaa inoogu filan dawlada Federalka ah ee somaliya waa dawlad aan amaanka caasimada muqdisho ka adkeyn xitaa. Dawlada Somaliland waa dowlad sugtay amaankeeda dhul,cir, iyo badba,waxay kale oo ay qayb weyn ka qaadatay sugida amaanka deriskeeda iyo jaar wanaag.Waxaana cad inay tahay dawlad leh qiime dawladnimo,balse aan wax abaal ah ka helin bulshada caalamka iyo deriskeedaba, waxaa moodaaba in raali laga yahay in la mijo xaabiyo hanaanka Amaanka ee salka adag leh, waayo bulshada caalamku waa iska daawanaysaa dagaal ogayaasha mar walba ku baaqaya in la mijo xaabiyo nabada iyo dawladnimada Somaliland Tusaale waxaa kugu filan Cali Kh.Galeyr oo marka uu dabka ka dhex shido degaanada Somaliland hadana si xora ugu dhoofaya qaaradaha Aduunka iyada oo la og yahay wax uu sameenayo. 2) Xoriyad (Freedom): Xoriyadu waa astaan dowladnimo oo qaali ah dalna hadii aanu xor ahayn, dee lagu ma tilmaamo dal xora ama caalamku ha u aqoonsanaado dal madax banaan ama yaabaanu aqoonsi calamiya haysane.Tusaale Dawlada federalka ah ee somaliya waa tusaale fiican oo muujinaya dal jira balse xoriyadiisu xadidan tahay,waayo go’aanada siyaasadeed ee muhuumka ah waa kuwo ay ansixiyaan xoogaga qarsoon ee sida dhabta ah u haga siyaasada dawlada. 3) Amar (Oder): Amarada iyo fulintoodu waa astamaha kala hagida maamulka,awoodaha,wada-shaqeynta,xidhiidhka,qorshaha,sharciyeed ee dawladnimada, Dawladina siima jiri kartokala dambeyn sharciyada waafaqsan oo si cad u kala qeexan yihiin xatabadaha kala sareeya ee amarada iyo fulintooda.Tani waxay ka dhigan tahay sida xididada dhiigu maraan ugu dhaaban yihiin jidhka oo idil si dhiigu u gaadho dhamaan xubnaha jidka ee dhiiga u baahan,Sidaa oo kale Amarada iyo kala dambeynta waa xididadii awooda dawlidnimo gaadhsiin lahayd qaran jira.Somaliya waa tusaale kale oo muujinaysa in aanu jirin ama uu yar yahay ba kala dambeen dhinaca Amarada ah oo ka fula ama gaadhaba dalka. 4) Cadaaladda (Justice): Cadaaladu waa adhaxda jiritaanka qaranimo,cadaladu waa tiirarka ugu muhiimsan ee qaran dhisan oo shaqeenaya,dawladnimadu hadii aanay ilaalin cadaalada ama cadaaliba ahaynin waa mid qabri geedii oo qodan dultaagan oo mar kastaba la filan karo in ay ku dhacdo,oo lagu aaso halkaasi.Dawlad caddalad daro ku baabadayna waxaa tusaale inoogu filan dawladii somaliyeed ee burburtay January 1991 kii. 5) Samafal(Welfare): Samafal ku waa astaan dawladnimo waayo Caafimaadka,faraxada, Dhaqaale iyo aqoon habeysan oo bulshadu heshaa waa dawlad hawlaheeda kuwa ugu muhiimsan in ay dawladu caawiso dadkeeda aan awoodin inay naftooda caawiyaan.Balse Somaliya ma laga hayaa dawlad dadkeeda daryeeleysa mid wax yeeleysa mooyee,Marka laga reebo Dawlada Somaliland oo dadaal ugu jirta iney daryeesho dhamaan bulshadeeda balse aan u wada heynin dhaqaale ku wada filan . Mahadsaidin M J Farah Ind.Political analyst and writer Related posts:Dhamaan Masuuliyiintani Waxay Tacsi Tiiraanyo Leh u Dirayaan Qoyskii Uu Ka Baxay Marxuum Muj Xasan B... Maxaa Ka Jira Hablaha Heerinka Ah Ee La Sheegay Inay Hindiya Uga Yimaadeen Guur?xaga somaliland “Madaxweyne Geelle Waxa Laga Baran Kara: Siyaasadaha Kursigaaga Iyo Dalkaba Loo Ilaaliyo”Barkhad-lad... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|