|
|||||
WAJAALE NEWS
TACSI MADAXWEYNE
March 6, 2016 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Eng Axmed Warsame Siciid oo ku geeriyooday Hargeysa 06.03.2016. Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey oday door muhiima ka soo qaatay dib u dhiska dalka, kana mid ahaa Ganacsatada dalka maalgashatay, ee aqoontooda iyo muruqoodaba uga faaiideeyey. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
Related posts:Daawo:Fadeexadii Ugu Waynayd Oo Dulhoganasa Haayada Shaqaalaha Mid Ka Mid Ah Dhalinyaradii Gashay Im... Gudida Cadaaladda Jsl Oo Magacaabis, Isku Badal Iyo Shaqo Ka Saarid Ku Sameeyay Bahda Garsoorka , Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo Ee Wakhtigeedu Mudadada Kooban Ka Hadhsantahay Oo Wali Ku Mashquulsan... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|