|
|||||
WAJAALE NEWS
Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo Madaxda DDSI Ku Hambalyeeyay Magacaabista Gobolada, Degmooyinka,Magaalooyinka Cusub Gaar Ahaan MAGAALADA TOG WAJAALE.
March 3, 2016 - Written by Editor:TOGWAJAALE(Wajaalenews) Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Oo kamida Salaadiinta deegaanada itoobiya iyo Somaliland ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray madaxda dawlad deegaanka somalida itoobiya gaar ahaan golaha xildhibaanada DDSI oo iyagu ansixiyay gobolada,degmooyinka, iyo magaalooyinka. Suldaan ismaaciil suldan cabdiraxmaan oo arimahaasi ka hadlayaa wuxu yidhi, Waxaan halkan hambalyo iyo bogadin udiyara madaxda dawlad deegaanka somalida itoobiya go’aankii geesinimada lahaa ee ay qaateen hogaaminta XDSHSI, iyo Golaha Baarlamaanka DDSI anigoo ku hambalyaynaya magacaabida gobolada cusub ,degmooyinka iyo magaalooyinka kor loo qaaday darajadooda, waxaanan leeyahay waxaad gudateen waajibaad qaran Waxaan si gaara ugu Hambalyaynayaa Darajada la gaadhsiiyay Magaalada TOGWAJAALE Anigoo ka wakiilada shacabka ku dhaqan. Sidoo kale waxaan halka hambalyo iyo mahadnaq uga dirayaan madaxwaynaha dawlad deegaanka somalida Cabdi Maxamuud Cumar waxaan leeyahay mudane madaxwayne waxaad ku guulaysatay in aad guud ahaan shacabka deegaanka somalida gaadhsiiso horumar balaadhan waxaan ku leenahay jir oo joog, anagoo kugu garab taagan marwalba dedeelka iyo waxbadka aad u majiiratay. Waxaan guud ahaan dawlada fadaraalka itoobiya ku taageersan nahay isku duubnaanta qoomiyadaha dalka oo dhan, ayuu yihdi suldaan ismaaciil suldaan cabdiraxmaan. Dhawaan ayay ahayd markii go’aan geesinimada lahaa ee ay qaateen hogaaminta XDSHSI, iyo Golaha Baarlamaanka DDSI Islamarkaana ay ku ansixiyeen 25,ka Degmo, 2da mm iyo 2da Gobal
Related posts:“Maxamed Kaahin Waa Dambiile, Isagana Gaystay Wixii Laascaanood ka dhacay, Arrimaha Gudahana..” Xild... Daawo; Wafti Uu Hogaamniyo Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Booqasho ku Tagay Magaalada Borama Tacsina Ug... “Dalkani Waynu Ognahay Halganka Loo Soo Maray, Hargaysana In Cid Loogu Dhex Cago Jugleeyo, Layguna D... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|