Sababta Dhabta ah Ee Ka Danbaysa Inay Masuuliyiinta Xukuumadu Ku haftaan Si dhiiranaan ahna Uga Hadlaan Dhacdadii jabouti Ku Weerartay Ciidanka Xeebaha S/land + Liiska Masuuliyiinta Haysta Passportka Djabouti | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sababta Dhabta ah Ee Ka Danbaysa Inay Masuuliyiinta Xukuumadu Ku haftaan Si dhiiranaan ahna Uga Hadlaan Dhacdadii jabouti Ku Weerartay Ciidanka Xeebaha S/land + Liiska Masuuliyiinta Haysta Passportka Djabouti
March 19, 2016 - Written by Editor:

Hargaisa (wajaalenews)Ciidamada Ilaadada xeebaha Somaliland ayaa todobaadkii hore kaga geeriyooday hal askari mid kalana kaga dhaawacmay, ka dib markii ciidanka jabouti ee badu weerar ula kac ah oo aan geed loogu soo gaban kusoo qaadeen markab kaluumaysi oo ruqsad ka haystay Somaliland  xiligaana  ku sugnaa biyaha bada S/land, waxaana halkaas ka dhashay inay si toos ah isugu dhacaan ciidamada bada ee labada dal oo isu adeegsaday hub culus.

Dhacdadan oo ugub ku ahayd labadan dal ayay siyaabo kala duwan uga hadleen masuuliyiinta labadan dal,waxaanay dawlada jabouti oo ku horaysay dagaalku ka sii daysay tvga dalka jabouti ee loo yaqaan RDT inay ciidamadeedu caydhsadeen markab soo galay biyaheena kaasi oo markii danbana u baxsaday dhinaca biyaha dalka soomaaliya”sidaad ayuu hadalka u dhigay tv ga dawlada ee RTD ee dalka jabouti waxaanay intaa ku dareen in ay dileen waxa ay ku sheegeen mid ka mid ah maleeshiyadaas, waa sida ay hadalka u dhigeenee.

Dhinaca kale xukuumada S/land ayaan ka hadal dhacdadan foosha xumayd oo ay haboonayd in doorkeega la siiyo marka laga reebo wasiir ku xigeenka amniga Maxamed Muuse Diiriye oo isagu qeexay oo kaliyaata khasaaraha dhacay, balse aan uga hadal doorkii uu ku lahaa,sidoo kale wasiirka arimaha gudaha S/land Cali Maxamed Warancade ayaa isaguna intaas khasaaraha oo kaliya sheegay.

Ka dib dhacdadan ayaa dadweyanaha ku dhaqan Somaliland aad u saluugeen habka ay u wajahday dhacdadan iyaga oo aad uga xumaaday waftigii reer s//land ee arintan u tagay dalka jabouti oo iyaga oo aan aasin maydka sargaalkii dufaacayay biyaha bada s/land ee ay  sida badheedhkka ah u toogteen ciidanka jabouti balse nasiib daro  toos u dhaafay ilaa dalka jabouti waxaana sida wararka aanu helanaa sheegyaan in ay ku kaliyaysteen aaska sargaalkan qoyskiisa oo kaliyaata.

Hadaba Sobobta dhabta ah ee ay ugu habranayaan masuuliyiinta xukuumada S/land ayaa ah in dhamaan dadka xilalka ka haya xukuumadu Iyo Xisbiyada qaranku badi ay haystaan passporka jabouti oo ay ku galaan kagana soo baxaan passporka waxana ka mid ah masuuliyiinta haysta passporka oo ay noo u suuro gashay shabakadan wararka ee wajaalenews inay hesho qaar kamid ah masuuliyiintaas oo ku xusan liiskan hoose

 

 

 

 

 

 

 

no                 Magaca       Xilka Passport
1 Craxmaan Clahi Saylici M/wayne ku xigeen Jabouti
2 Aamina Maxamuud Jirde Marwada qaranka
3 Ismail Shaqale Taliyaha Cidanka Qaran
4 Cali Maxamed Waran Cade W.Wasaarada Gudaha
5 Maxamuud Xaashi Cabdi W.wasarada madaxtoyad
6 Cali Siciid raygal W.wasarada dib u dajinta
7 Cali Mareexaan W.wasaarda hawlaha Guud
8 Maxamed Muuse Diiriye w.ku xigeenka amniga
9 Cali Jaamac faarax Buureed W.wasarada kaluumaysiga
10 C/lahi maxamed Dahir Cukuse W.wasaarada warfaafinta
11 C/raxmaan Soltelco Maayorka Caasimada

 

Dhamaan masuuliyiintan aanu helnay ayaa ah masuuliyiinta ugu miisaanka culus oo runtii la odhan karo waa dawlad ay xukumaan dad ajaanib ah oo wadanka taransit ku ah.

la soco liiska danbe wajaalenews.net oo ku hawlan raadinta magacyada masuuliyiin kale

 

COMMENTS
LINKS