Qarax Baabuur Oo Ka Dhacay Ankara Oo Ay Ku Dhinteen 34 Qof Iyo Madaxwaynaha Turkiga Oo Ka Hadlay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qarax Baabuur Oo Ka Dhacay Ankara Oo Ay Ku Dhinteen 34 Qof Iyo Madaxwaynaha Turkiga Oo Ka Hadlay.
March 14, 2016 - Written by Wariye:

Turkiga waxa uu qayb ka yahay xulafada caalamiga ah ee la dagalamayso kooxda la magac baxday Dawladda Islaamiga.

Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan ayaa sheegay in dalkiisa uu dagaal ba’an lagali doono argagaxisada kadib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu 34 qof ku dilay bartamaha caasimadda Ankara.

Waa weerarkii seddaxaad oo noociisa ah oo dalkaasi ka dhaco bilooyinkii dhawaa.

Mr Erdogan waxa uu sheegay in kooxaha aragagaxisada ay bartilmaameedsanayaan goobaha dadka rayidka ah maadama buu yiri, ‘xoogaga amaanka ee Turkiga aya mintidiinta uga adkaadeen dagaalada’.

Masuuliyiinta ayaa tuhunsan in falaagada Kurdiyiinta ay ka dambaysay weerarkan.

Kooxda Daacish ayaa bishii October ee sanadkii la soo dhaafay sheegatay masuuliyadda weerar ay ku dhinteen in kabdan 100 qof.

Turkiga waxa uu qayb ka yahay xulafada caalamiga ah ee la dagalamayso

kooxda la magac baxday Dawladda Islaamiga.

Source :BBC.

COMMENTS
LINKS