Muusow Muuji Muqaalka Musharxnimada W/Q: Presedent Max’ed Osman. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muusow Muuji Muqaalka Musharxnimada W/Q: Presedent Max’ed Osman.
March 16, 2016 - Written by Wariye:

Sida Anyu Ka Warhayno Waxaa Lagu Jiraa Waqtigii Bulshada Ku Dhaqan Jamhuuriyada Somaliland Qaadanaysay Cardka Codaynta Muwaadinka

Sida Anyu Ka Warhayno Waxaa Lagu Jiraa Waqtigii Bulshada Ku Dhaqan Jamhuuriyada Somaliland Qaadanaysay Cardka Codaynta Muwaadinka, Cardkaas Oo Ay Xisbiyaduna Ku Wacyigalinayaan Bulshada Taagersan Inay Qataan Cardka Codaynta Muwaadinka, Waana Kan Lagu Kala Baxayo. Hadaba Dalkan Jamhuuriyada Somaliland Waxaa Ka Jira Sedex Xisbi Oo Kala Ah KULMIYE, WADANI, UCID. Hadaynu Faallo Guud Ka Bixino. Xisbiga Ucid Waxaa Magaca Musharnimada Sita Aqoonyahan Jamaal Cali Suseen Oo Muddo Dhowr Sana Ah Ahaa Musharax, Waxaynu Ka Warhaynaa Inuu Khilaaf Ka Jiro Cida Dhabta Ah Ee Noqonaysa Musharaxa Xisbiga Ucid Kazoo Aynu Sugayno Waqtiga Lagu Soo Kala Baxo. Xisbiga Wadani Waxaa Ilaa Hada La Xaqiijinayaa Inuu Yahay Musharaxa Xisbigaas Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Ciro) Oo Ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jamhuuriyada

Somaliland,

Xisbigaas Waxuu Muujiyay Diyaar Garow Aan Inaba Caadi Ahayn Haday Tahay Qaabkii Bulshada Wax Loo Galin Lahaa Loogana Dhaadhicin Lahaa Inay Taageradooda Ku Xoojiyaan Xisbiga Wadani, Waxuu Kaloo Diyaar Saday Media Si Wacan Tageerayaasha Ugu Gudbiya Dhaqdhaqaaqyada Balaaran Ee Uu Lasoo Baxay Xisbiga Wadani Oo Ah Mid Ay Indhaha Si Mugleh U Arkaan, Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ahna Musharaxa Waxuu U Diyaar Garoobay Inuu Galayo Doorasho Adag Xeelada Badana Adeegsanaya Sidii Uu Doorashada Ugu Guulaysan Lahaa, Waxaadna Arkaysaa Gudoomiyaha Oo Dhoola Cadaynaya Tagerayashiisana U Muujinaya Inuu Yahay Mid Iyaga Cod Ka Doonaya La Aan Toodna Uusan Ku Gulaysan Karayn Doorashada Soo Socota, Waxuuna Gobolada Ku Diyaarsaday Mas’uuliyiin Cul Culus Oo Ah Dadkii Kaanbaynka, Kuwasoo U Dhisin Qaabka Loo Galo Kaanbaynka, Xisbiga Kulmiye Waxaa Musharax U Ah Muuse Biixi Cabdi, Xisbiga Kulmiye Waa Xisbul Xaakimka Talada Dalka Haya Waxaana Kazoo Baxay Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silanyo,

Hadaba Waxaa Maanta Xisbigaas U Sharaxan Mujaahid Muuse Biixi Cabdi. Su’aalaha La Is Waydinayaa Waxay Tahay 1. Astaamaha Musharnimo Ma Leeyahay Mujaahidku, 2. Mase Diyaar Garoobay, 3. Ma Aamin Sanyahay In Doorashada Madaxtinimada Dalka Lagu Tartamo, 4. Ma Aaminsanyahay In Bulsho Codaysa Loo Baahan Yahay, 5. Ma Aamin Sanyahay In Mucaarad Xoogan Uu Jiro, 6. Ma Aamin Sanyahay In Qaab Loogu Diyaar Garoobo Doorasho Ay Jirto 7. Ma Aamin Sanyahay In Media Ha Dowlada Moyee Kuwa Kalena Lala Saxibo 8. Ma Aamin Sanyahay In Fur Furnaan La Muujiyo 9. Ma Aamin Sanyahay In Wasiirada Ay Yihin Qaar Xisbiga Mustaqbiilkisa Ilaalinaya 10. Ma Aamin Sanyahay In Wadada Mucaaradka Mid Ka Duwan La Jeexo 11. Ma Aamin Sanyahay In Xeelad Siyaadadeed Ay Jirto 12. Ma Aamin Sanyahay In Bulshada Ay U Kala Baxaan Qaar Dhaqda Geela, Ariga , Lo’da Iyo Digaaga Su’aalahaa Iyo Qaar Kaloo Badan Ayay Is Waydinayaa Bulsha Badan Oo Tageersan Xisbiga Kulmiye Guntii Iyo Gunaanadka Ka Madaxwayne Mustaqbal Ahaan Waxaan Halkan Ka Cadaynayaa In Doorasho Adag La Galayo Xisbiyadana Ay Tartamayaan, Xisbi Walbana Codka Uu La Yimaado Uu Ku Noqonayo Kan Ku Gulaysta Talada Dalka. Shacabka Jamhuuriayda Somaliland Na Waxaan Ugu Baqayaa Inay Qataan Cardka Codaynta Muwaadinka

W/Q: Presedent Max’ed Osman

Burco/Somaliland

COMMENTS
LINKS