Mid Ka Mid ah Musharraxiinta Doorashada Madaxtinimada Djibouti Kula Loollamaya Madaxweyne Geelle Oo Somaliland Socdaal Ku Yimid | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mid Ka Mid ah Musharraxiinta Doorashada Madaxtinimada Djibouti Kula Loollamaya Madaxweyne Geelle Oo Somaliland Socdaal Ku Yimid
March 16, 2016 - Written by Editor:

Musharrax Jaamac Cabdiraxmaan Cadh-dhoolle Oo Ka Hadlay Ujeedada Safarkiisa Iyo Rejada Uu Ka Qabo Loollanka Uu Kula Jiro Madaxweyne Geelle.

siyaasi jabuuti 1

Hargeysa (Wajaalenews) Musharrax Jaamac Cabdiraxmaan Jaamac (Cadh-dhoolle) oo kamid ah Shanta Musharrax ee Madaxweynaha Jabbuuti kula tartamaya doorashada madaxtinimada ee dalkaasi ka qabsoomi doonta sideeda bisha soo socota ee April ayaa markii u horeysay niyad sami ka muujiyey  kalsoonida uu ka qabo hankiisa musharraxnimo iyo rejada uu ka qabo in uu guul ka gaadho.  Musharrax Jaamac Cabdiraxmaan Cadh-dhoole oo maalintii shalay si weyn loogu soo dhaweeyey dalkani Somaliland ka dib markii uu safar ku yimi magaallada Hargeysa ayaa iska fogeeyey in aanay ka dhab ahayn doorashadiisu balse uu waraabe-u-taag u yahay madaxweynaha  hadda ee dalkaasi Md. Ismaaciil Cumar GEelle. Soodhawaynta Musharraxan oo ay ka qayb galeen haldoor kala duwan, wasiirro, xildhibaanno, aqoonyahanno, marti sharaf iyo dhalinyaro fara badan ayaa Jaamac Cadh-dhoolle  markii uu ka soo degay madaarka Hargeysa waxaa uu warbaahinta ugu warramay qolka nasashada isaga oo  ka hadlay safarkiisan uu Somaliland ku yimi oo uu ku tilmaamay mid shakhsi ah “ socdaalkaygu waa mid yaroo gaaban oo khaas ah” sidaasi ayuu yidhi Musharrax Jaamac Cabdiraxmaan Jaamac. Mar la weydiiyey kalsoonida uu ka qabo in uu damaciisa siyaasiga ah muujiyo oo uu isu taago kursiga laga hoggaamiyo wadankiisa Jabbuuti waxaa uu  yidhi “ anigu nin reer jabuuti ah oo Aabihii u dhintay baan ahay [xornimadii dalkaas], xundhurtaydiina [halkaas] wey taallaa awawgay baana joogay. Sida aad ogtihiinna Jabuuti immika waxaa la isu taagay midnimo, ummada reer Jabuutina wey soo taabteen gidaarka oo qabyaalladii wey baaba’day, doorashadanna waan ku rejo weynahay”. Sidaa ayuu yidhi Musharrax Jaamac Cabdiraxmaan. Sidoo kale mar la weydiiyey in maadaama oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo Somaliland, gaar ahaanna Hargeysa, saamaynta hankisu ku yeelan karo in uu la baratamo musharraxiin kale, waxaa uu sheegay in su’aashaas jawaabteedu ay u taalla umadda reer Jabbuuti oo iyagu ka jawaabi karaan, balse uu kalsooni weyn ka qabo.

 

COMMENTS
LINKS