Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina-Waris Oo Kulan Qado Sharafeed ah Ku Dalbatey Madaxdhaqameedka Dalka iyo Nuxurka Uu Daaran Yahey Oo Lagu Sheegay Codsi Mudo Kordhineed | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina-Waris Oo Kulan Qado Sharafeed ah Ku Dalbatey Madaxdhaqameedka Dalka iyo Nuxurka Uu Daaran Yahey Oo Lagu Sheegay Codsi Mudo Kordhineed
March 29, 2016 - Written by Editor:

argeysa(Wajaalenews)-Marawada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Maxamuud Jirde(Aamina-Waris),oo indhawaale u madaxbanaaneyd Qorshayaasha Hogaamineed ee Talada Dalka ayaa kulan baaq ah u dirtey Madaxdhaqameedka Somaliland qeybo kamid ah kulankaas oo lagu sheegay in uu yahey mid qado sooryo ah, islamarkaana, lagu fariimaynayo Madaxdhaqameedkaas codsi ay ujeedooyin isbarkin ah ka leedahay.

Wararka hordhaca ah ee Wajaalenews kasoo gaadhay kulanka qado sooryada ah ee ay Marawada Madaxweyne Siilaanyo Aamina-Waris ku dalbatey Madaxdhaqameedka, ayaa lagu sheegay in uu daaran yahey ujeedooyin is barkan oo wajiyo kala duwan leh kuwaas oo qodobo kamid ah lagu ta,kiidinayo Xukun ay la maagan tahey Salaadiin kasoo jeeda Beesha Sacad-Muuse oo ay Marwada iyo Xukuumadu iyo waliba Hogaanka Kulmiye la doonayaan in lagu qaado Maxakamdii wareegi jirtey ee Geele oo kale, iyo waliba qodobo kale oo hoosaasin ah oo ay si xaal-mastuur iyo mustafeyn ah ugaga dalbeyso Mudo kordhin mudo sanad ah ku siman oo loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo dhaqdhaqaajintooda.

 

Sikasta oo ay arimahani yihiin waxa si dhab ah looga dhugan doonaa marka uu kulankaasi qado sooryada ahi ku qabsoomo Huteelka Xaraf ee Magaalada Hargeysa sida lagu wado  hadii aaney wax iska badelin Qorshahaasi.   

WARIYE C/raxiin Ali

COMMENTS
LINKS