Mala fahmay Intuu Madaxwayne Siiraanyo Xilka Hayay Dhibaatooyinka Ka Dhacay Dalka Ee Aanu Lasocon In ay Dheceen Madaxwaynuhu?? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mala fahmay Intuu Madaxwayne Siiraanyo Xilka Hayay Dhibaatooyinka Ka Dhacay Dalka Ee Aanu Lasocon In ay Dheceen Madaxwaynuhu??
March 4, 2016 - Written by Editor:

1 Wasaarad la iibsho dhulkeedii iyo dhiskeedii bilaa sobob:wasaaradii duulista

2 Kaalin la iibsho : sida kaalintii kaydka shidaalka dawlada hoose hargaysa

3 Magtabad la iibsho :sida gaandi oo kale

4 Mashaariic been ah oo madaxwayne xadhiga kajaro :sida  labadii riig ee :dagmada farawayne

5 Dagaal joogta ah oo xisbil xaakimkii gudahiisa ah oo markii hore keenay in laysku adeegsado rasaas markii dambana keenay  in mar qudha ay kadareerto xukuumadiisa ku dhawaad labaatan masuulo sare ah  mar qudhaata

6 Lix dil oo ka kala dhacay lixda gobol ee somaaliland oo ah saraakiil ciidan oo ay dileen askartay xukumayeen

7 Haamihii shidaalka oo uu goluhu kudiiday cod aqlabiyad ah in aan lawareejin oo uu kuwareejay digreeto indha la,aan ah

8 Iibinta labadii warshadood ee laydhka sida hargaysa iyo Berbara

9 Waxa kadhacay xabsiga hargaysa maxaabiis askar laysay

10 Waxa kadhacay saldhiga  koodbuur  askari dilay maxbuus xidhan

11 Wuxu bilaabay in uu hogaamiye dhaqameed  reer konfureed ah ku casuumo hargaysa oo ah tasobobtay in turkigu yidhaahdo wada hadalkii waxan ubadalay hogaamiye dhaqameed ee inoo eekaysiisay mamul goboleedyada somaliya

12 In laqaado cashuuro xad dhaaf ah oon haba yaraatee aanu jirin xeer jideeyay intooda badan

13 Xukuumad kala hadasha ood moodo in ay yihiin golaheeda wasiiradu toban dawladood oon shaqo isku lahayn oo iska soo horjeeda  oo iyaba foolxomo siyaasadeed leh

14 Gudiyo lamagacaabo oon haba yaraatee kharash mooyee aan qaranka  wax faa,iido ah ulahayn oon la arag iyaga oo keenay wax midha dhal ah oo macnuhu yahay xilkii loo igmaday madaxwaynaha oo ay gudiyo hayaan kuwaasi oon dastuurka qaranka meela kaga oolin

15 Hanti dhawre fadhiid ah oo aan shaqayn una  baahan in labaafiyo halkay mareen haday jiran maxaase loo waayay iga oo soo hordhigay malin qudha wax xisaab xidh ah ama lunsi hanta qaran mudo ah shan sano iyo lix bilood oy xilka haysay xukuumadan kulmiye

 

17  Hanaankii xisbiyada xorta  ah oo loo badalay  hanaan qabyaaladeed oo uu noqday kaku ololeeya qabyaalada xisbiga kulmiye

18 Sixir bararkii ugu ba,naa ee soomara somaaliland abid iyo abaaro baahsan oo uu hadana madaxwaynuhu ku kordhiyay cashuurtii daruuriga silo bakhtiyo oo ay dadwaynuhu uga baxaan meesha

19  masaajid la iibsho baarkinkiisii: sida masaajidka gobalka  ee kasoo horjeedka xisaabadka guud oo uu kaga hadlay imaamka masajidku dhawr jimce khudbadii

20 murankii xisbiyada oo maxkamad isla galay  markay ku heshiin waayeen mudo kordhintii loo sameeyay madaxwaynaha oo iyaba ceebteeda leh

21  saxaafad la cabudhiyo  oo khadka laga saaray warkayskii haatuf oo laga qaaday ruqsadii oo aan lasheegin  dambiga uu kumutaystay

22  faragalin xukuumadeed oo kadhan ah baarlamanka sida kaalay oo wasiirnoqo ama kulmiye noqo aan waxkusiinee oo meesha kasaartay madax banaanidii golaha wakiilada  oo aan lahayn awodii ay kudifaaci lahaayeen xuquuqdii dadwaynihii ay kawakiilka ahaayeen

23   gacan kahadalkii golaha wakiilada oo gaadhay foolxumadii ugu darnayd oo ay dabada kariixaysay xukuumadu iskudha shirkudonka

24 masuul looxidho lunsi hanti qaran oo xilkii lagaqaaday oo xabsiga loo taxaabay hadana layidhi waxba muu lunsan oo lasoo daayay oo loo magacaabay xil lamid ah  kii hore ee uu hayay oo iyaba layaabkeeda leh

25 xabaalo layidhaahdo waala iibshay sida danjirka dahsoon ee magaalada hargaysa

26  tayo xumo ku dhacday iskuuladii dawlada  iyo maamul xumo baahsan oo aad moodo meel laga guuray ay boqolkiiba sideetan qiima dhacday halkay maraysay xiligii madaxwayne riyaale waxbarashada iskuulada dawliga ah

27 sariimado kiro ah sida   sedexda sariimadood ee kood buur ee hargaysa ee ay sheerka kuleeyihiin mayirka iyo kuxigeenkiisa ee dadka qasabka lagu geeyo

28  dad dad ladulfuro si layskugu dhaco  sida tiyaatirka+adanmaal+eeriyada Daaud baqayo ee ku began dhakhtarka galbeedkiisa oo laleeyahay madaxwaynaha laba jeer bixiyay

29 sarifkii uu madaxwaynuhu hoos udhigay oo keenay khasaare baaxadleh  oon loo meel dayin oo u eekaa mid umada lagu baabiinayay inta kasoo hadhay abaarta iyo camala,aanta  baabiisay

30 wasiiro intooda badani yihiin kuwo bilaa tayo ah oon lasocon xaalada nololeed ee dadku kusugan yahay oo aad moodo ajanabi aan udhalan dalkan markad eegto sifahay udhaqmayan

 

31 siyaasadii arimaha dibada oo soo oodantay oy kufashilantay xukuumadan axmed siiranyo oo aan la arag  madaxwaynaha iyo wasiiradiisa oo lakulmay wasiir iyo agaasime toona oo ay kusoo ururtay taladoodu dawlada hoose dad reer Somaliland ah oo kujira xiryo qoxooti oo yurub ah oo lagu tago safar wadareed lagu lunsado cashuurta yaree ah dheecankii laga soo nuugay dadwaynah ubadan bilaa camalka

32 safarkii madaxwaynaha oo kagaabshay in uu soo kormeero xaalada abaaraha ee kudhacay galbeedka iyo koonfurta iyo woqooyiga hargaysa oo ah haytusina meel abaar ah

33 shir beeleedyadii oo lasoo nooleeyay oo ah shaqo siiranyo madama uu kuyimid shirkii gar adag  oo ah murashaxii madaxwaye ee ugu horeeyay Somaliland ee lagu doorto qabyaalad

34 doorashadii golaha daganka ee haatan oo ahayd doorashadii ugu xumayd ee soomarta Somaliland ee keen tay khasaare dhimasho iyo dhawac iskugu jira oo uu noqday midheheedu maayiro aan kala garanayn xafiisyada qaranka iyo guryohooda oo inta badan wakhtiga kulumiya  hurdo iyo qayilaad iyo tamashlayn oo aanu kujirin nin qudha oo aqoon uleh shaqada maayirnimo oo kuyimid shaqo siiraanyo

35 maxaa keenay in laga horjoogsado madaxwaynaha in ay warbaahintu waxka waydiiso xaalada uu maraayo dalku miyan loo doran in uu umada wax usheego ama wax lawaydiiyo ma wasiirbaanu udooranay dalka  oo jeedin kara wixii larabo in uu kahadlo madaxwaynuhu

 

COMMENTS
LINKS