Madaxweyne Geelaha Jabuuti Miyuu Kula Socdaa Maal-Qabeenada Dalkiisa Faro-gelinta Siyaasadda Somaliland ?? FAALO! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Geelaha Jabuuti Miyuu Kula Socdaa Maal-Qabeenada Dalkiisa Faro-gelinta Siyaasadda Somaliland ?? FAALO!
March 10, 2016 - Written by Editor:

GEELE

Jabuuti(W.N.):-Ka sekow loollanka Dekeddaha iyo xafiltanka Ganacsatada ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidoo kale, Jamhuuriyadda aynu jaarka nahay ee Jabuuti, iyo weliba maalqabeenada labada waddan u dhashay, waxa sannaadahan u danbeeyey kusoo siyaaday arrimaha hab-dhaqanno cusub oo aan hore ugu jiri-jirin loollanka dabaylaha siyaasadeed ee labada dal. Arrimahan ugubka ah oo hadda sida dhiigga ula falgalay, dhaqanka iyo dabeecaddaha Bulshada, waxa kamid ah in dadka Maalqabeenada ah ee u dhashay Jamhuuriyadda Jabuuti, ay hadda si toos ah usoo faro-geliyaan habka ay u socoto Siyaasadda Somaliland iyo aayo ka talinta Masiirka danbe ee Qaranku yeelan doono.

Hab-dhaqankan cusub oo markii ugu horreysay qaybo kamid ah Bulshadu ay dareemen intii u dhexeysay 2008-dii ilayo 2010-kii, gaar ahaan xilliyaddii u socday ololihii isbedel doonka ahaa ee uu hoggaamiyey Xisbiga Kulmiye, kaasoo loollan adag kula jiray sidii uu meesha uga saari lahaa Xukuumaddii madaxweyne Riyaale. Isku daygaas oo natiijadiisu noqotay, mid u meel martay sidii ay rabbeen Maalqabeenada reer Jabuuti ee danaha ganacsigu kaga xidhan yihiin Somaliland.

Intii mudada ka danbeysay, waxa marba marka ka danbeysa soo xoogeysanaayey faro-gelinaha Maalqabeenada reer Jabuuti ku hayaan danaha Siyaasadeed iyo kuwa masiiriga ah ee u gaarka ah Jamhuuriyadda Somaliland iyo Bulshadeeda, kuwaasoo hadda markii ay isku hubsadeen awoodda gacan ku maamulka hoggaanka tallada dalka, usoo gudbay inay Bulshada usoo xullaan, xataa hoggaamiyeed dhaqameedka tallada ku leh Beelaha dhexdooda, iyagoo ka faa’ideysanaaya duruufaha adag iyo baahiyahooda.

Faro-gelinta Ganacsatada reer Jabuuti ku hayaan Somaliland intaa kuma e’ka, balse waxa intaa u dheer oo hadda qaarkood gaadheen inay iyaguu Bulshada usoo xullaan cidda hoggaaminta tallada dalka gacanta ku qabaneysaa, tallaabadaas waxa kooxaha Ganacastada ah ee iyagu ku faa’idey faro-gelinta Somaliland ku dhiradeen, kaddib markii ay oggaadeen natiijadii uga soo baxday Doorashaddii 2010-kii, taasoo sida qaarkood qabaan u dhacday 90% sidii ay rabeen. Sida darteed, Ganacsaatada reer Jabuuti waxa si aan gabasho lahayn hadda ugu milmeen loollan Xisbiyada ku qotoma rabbitaanka Bulshada ee masiiriga ah, iyaddoo sida hadda muuqata aad moodo in kooxaha reer Jabuuti inay si toos ah u dhex galeen dhiigga Bulshada, taasina waxay sababtay in kaadariinta Xisbiyada gaar ahaan Xisbul-xaakimka Kulmiye inay taageerayaasha Xisbiyada kale ugu faanan, “anaga waxa nalaga wataa Jabuuti”. Faanka Qaran jabka ah, waxa xubnaha ku dhawaaqaya u arkaan iyo wax bulshadu ku jeclaaneyso oo lagu dooranayo cidda ay wataan, hase-yeeshee, waxa ay ka damaanyihiin in arrintaasi ku tahay cambaar iyo nusqaan cidda ay raali-gelinayaana, inay ku quudh-sanaad mooye aanay ku jeclaan doonin.

Haddaba, waxa isweydiin mudan, Dawlada Jabuuti ee Madaxweynaha ka yahay Md. Ismaacil Cumar Geele, miyey kula socota faro-gelinta ganacsatada dalkiisu ku hayaan Somaliland, sida arrimaha hadda taagan ee loo tirinaayo inay lug ku leeyihiin ganacsato reer Jabuuti ah, kuwaasoo aynu ka xusi karno, khilaafka cilinkiisa la saari-waayey ee ku habsaday hoggaanka Xisbiga Ucid, siiba Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Jamaal Cali Xuseen iyo Gudoomiyaha Xisbigaas Eng Faysal Cali Waraabe, iyo sidoo kale, muranka deegaanada la isku hayo in Sanaaduuq la dhiggo iyo in kale?. Mise sheeko ay jeebka kala soo baxaan shaqsiyaadka Ganacsatada sheeganayaan marka ay kasoo galaan xududka Somaliland?. jawaabta arrinkaasi waa mid taagan oo yar iyo weyn Bulshada Somaliland ka sugeyso Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaacil Cumar Geele.

COMMENTS
LINKS