|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwayne ku Xigeenkii Hore Ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Waxba kama Jiraan Ku Tilmaamay Warar Been Abuura Oo Laga Faafiyay.
March 2, 2016 - Written by Editor:“Ma Jirto Meel Jid-gooyo Naloogu Galay Shacabkana Been Ayaa Loo Sheegayaa Anaguna Waan Nabad Qabnaa”Axmed Yusuuf Yaasiin Hargeysa(Wajaalenews)-Madaxwayne ku xigeenkii hore ee somaliland mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo aan khadka telefoonka kula xidhiidhnay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar been abuur ah oo la baahiyay oo ah inay jiraan jid gooyo loo galay oo lagu weeraray isagoo jooga deegaano hoos yimaada gobolka sanaag. Waxaana uu sidoo kalena sheegay Axmed Yusuuf Yaasiin inuu hada ku sugan yahay magaalada ceerigaabo Waxaana uu yidhi. “Waxba kama jiraan weeye wararkaa sheegaya in jid gooyo lay sameeyey oo laygu weeraray deegaano hoos yimaada gobolka sanaag, shacabka somaliland ayaa been loo sheegayaa aniguna hada waxaan joogaa ceerigaabo waanan joogayaa waayo dadku waa dadkaygii dalkuna waa dalkaygii”Sidaas yuu yidhi Mudane Axmed Yusuf Yaasiin. Sido kalena Madaxwayne ku xigeenkii hore ee somaliland Axmed Waxa uu shacabka somaliland ugu baaqay inay markaste ilaashadaan nabadgaliyadooda iyo xasiloonida dalkooda Waxaana uu yidhi. “Dadkayga waxaan ugu baaqayaa inay meelkaste oo ay joogaan ilaashadaan nabadgaliyadooda iyo xasiloonidooda waayo nabad wax dhaantaa ma jirto,markaa waxaan leeyahay somaliland waxa lagu yaaqaanay nabad ee ilaashada oo cid kaste oo khal khal kuwada dalka halaga hor yimaado”Sidaas ayu yidhi Mudane Axmed Yusuf Yaasin. Si kasteba ha haatee waxa ilaa saaka ay bulshada somaliland badankoodu isla dhex marayeen in jid gooyo loogu galay deegaano hoos yimaada gobolka sanaag madaxwayne ku xigeenkii hore ee somaliland Axmed Yusuf Yaasin ee dawladii hore ee madaxwayne Daahir Riyaale Kaahin. Related posts:Sabobaha Keenay Kor U kaca Qiimaha Roodhida Ee Gobollada Galbeedka Iyo Mooganaanta Wasaaradda Ganac... Daawo: Shaacabka Reer Ceerigaabo Oo Saaka U Dareeray Codaynta Doorashada Madaxtooyada Somaliland Reer Boorama Oo Gaadhi Qaaliya Gudoonsiiyay Wasiirkii Xilka Lagaga Qaaday Shacabkayga Ayaan La Daree... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|