|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxtooyada oo Madax Dhaqameed Ay U Xidhay Dhacdadii Deegaanka lughaya Qorshaynaysa In Ay Maxkamada Wareegtaa Ku Dhex Xukunto Jeelka Madheera,
March 30, 2016 - Written by Editor:HARGAYSA(Wajaalenews) Wararka laga helayo maxkmada gobolka hargaysa ayaa la sheegay in maalinta bari ah lafilayo in ay socdaal ku tagto jeelka madheera kaasi oo madaxtooyadu daba ka wado ismarkaana lagu qorsheeyay in salaadiyiintan, iyo koox dhalinyaro ah oo la xidhan lagu rido xukun qorqoosh ay soo maleegeen xubno kamida xukuumada siilaanyo iyo hogaanka xisbiga kulmiye ,
Hadaba warar laga helay saraakiil kamida Maxkamadda gobalka Hargeysa ayaa sheegay in khamiista beri bilaabayaan dhagaysiga dacwadda lagu soo oogay Salaadiin, cuqaal iyo dhallinyaro kale oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weerarkii bishii hore lagu qaaday goobta diiwaangelinta ee waqooyiga Hargeysa. inkastoo wararka hoose ee laga helayo qasriga madaxtooyadu tibaaxeen in dhagaysigan uu ku ladhan yahay xukun aan mudadiisa la shaacin. dhanka kale dhaqdhaqaaqyo lagu diidan yahay xukun qorqooskan ayaa laga dareemayaa caasimada hargaysa, Dadkan oo ka kooban 16 ruux, kuna xidhan xabsiga Mandheera, waxa dacwadoodu ay ka bilaabmaysaa hool ay maxkamadu ku leedahay magaalada Mandheera, waxaana sida ay saraakiisha maxkamadu Geeska Afrika u sheegeen deegaanka Mandheera tagaysa maxkamadda wareegtay ee gobalka Maroodi-jeex, waxaanay saraakiisha maxkamadu sheegeen in dhagaysiga dacwadu si rasmi ah u bilaabmayso khamiista beri. Salaadiinta, cuqaasha iyo dhallinyarada kale ayaa lagu eedeeyay inay dambeeyeen weerarkaas, halka ay iyaguna beeniyeen inay lug ku lahaayeen weerarkaas, waxaanay dad badani isha ku hayaan dacwadaas oo ah mid muddo la sugayay.
Related posts:DAAWO;Gudoomiyaha Xusbiga kulmiye Oo Sheegay In Cabdiraxman Ciro Kaga Baxay Heshiis Ay Sedexda Xusb... Madaxwaynaha Dawlad Deeganka Somalida Itoobiya Oo Wax Laga Waydiiyay Ujeedada Safarka Uu Ku Yimid So... Daawo: Maanso Kulul Oo Uu Abwaan Cabdilaahi Xasan Ganay Kula Hadlayo Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|