Maayarka Gabiley :Maxamed Amiin Waxuu Muujiyay Waxqabad La Taaban Karo – Waxaanu Kasbaday Kalsoonida Shacabka Gudo Iyo Dibadba, Mana Geyo Aflagaado!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayarka Gabiley :Maxamed Amiin Waxuu Muujiyay Waxqabad La Taaban Karo – Waxaanu Kasbaday Kalsoonida Shacabka Gudo Iyo Dibadba, Mana Geyo Aflagaado!!
March 14, 2016 - Written by Editor:

maayar amiin
Maayarka magaalada gabiley maxamed amiin cumar cabdi oo inta aan xilka loo igmanba ahaa xildhibaanada ugu firfircoon golaha deegaanka gabiley ayaa tan iyo mudadii uu xilka hayay gudoomiyaha golaha deegaanka muujiyay waxqabad iyo dadaal fara badan oo uu ku kasbaday quluubta shacabka reer gabiley gudo iyo dibadba sidoo kale waxuu mayar maxamed amiin meesha ka saaray is qab1qabsigii iyo kala qaybsanaantii golaha deegaanka gabiley hore ugu caan ahaayeen isagoo u jeexay siyaasad cad isla markaana haatan ah gole meel uga soo wada jeeda horumarka gobolka.
Maaayar maxamed amiin oo bilowgiiba markuu xilka qabtay la kawsadey caqabado dhawr ah oo maamuladii hore kaga tageen sida daymo aan xad lahayn ayaa hadana ka dabaashay oo bulshadii dayntu ka maqnayd wada siiyay iyadoo taa laga soo kabana waxaa durbadiiba gobolka haleeshay abaar baahsan oo dad iyo duunyaba saamaysa sidaas ay tahay maayar amiin guntiga ayuu dhiisha isaga dhigay isagoon ka caajisin habeena ka seexan siduu u taakulayn lahaa dadkiisa abaaruhu saameeyeen .
Dadaalka uu abaartaasi maayarku ka muujiyayna ilaahay iyo umadiisu way og tahay waxaana maayar amiin suurto galiyay oo u gaar ah arimo ayna marnaba la wadaagin maayaradii ka horeeyay waxaanu kasbaday kalsoonidii shacabka ,kalsoonidii qurbejoogta iyo dawlada dhexe oo dhamaantood markay arkeen daacadnimada iyo aaminaaadiisa lacagihii ku soo wada hagaajiyay kalsoonidaasi oo ayna horu qabin maayaradii ka horeeyay taasina waxay suurto galisay in dadkii abaaruhu saameeyeen si wacan u gaadho gargaarkii loo fidiyay.
Intaasi marka laga yimaado abaaraha waxaa maayar maxamed amiin lagu xasuusan doonaa waa maayarkii u horeeyay ee sameeyay hanaan maamul oo dhamaystiran oo dawlada hoose ee gabiley ku shaqayso iyo laamigii u horeysay ee nooca rooga loo yaqaan ah ee laga hirgaliyo gudaha magaalada gabiley.waxa kale oo maxamed amiin meesha ka saaray khilaaf inta badan ka dhex dhici jiray maamulka heer gobol iyo heer degmo isla markaana waxuu intuu joogay suurto galiyay iyo badhasaabka kasta ay ka wada shaqeeyaan horumarka bulshada iyo gobolka gabiley
Si kastaba ha ahaatee intaas laguma soo koobi karo waxqabadka maayar maxamed amiin oo wali ah maayar da,yar intaa iyo in ka badana laga sugayo ,hadaba dhiliishu waa sideeda balse waxaa inta badan caado ah in dadka qaar danahooda shaqsiga ah awgeed u canbaareeyaan madaxda iyo masuuliyiinta dadkaasi oo aan indhahoodu qabanba horumarka iyo waxqabadka bulshada oo ay inta badan ku adeegtaan dad daaha dabadiisa taagan oo dan gaar ah leh , oo qaar ka mid ihi maalmahan qoraalo ku baahinayeen baraha internetka dadkaasi waxan odhan lahaa ilaahay indhihiina ha tuso waxa wanaagsan maayar maxamed amiina ma geyo dacaayadaha raqiiska ah ilaahay iyo umadiisuna way og tahay waxqabadkiisa ah walaalayaal “Ha Ku Waayina Ruux Gob Ah, Erey Aanu Kaa Geyin” mida kale maayarkii ka horeeyay haatan ah wasiirka warshadaha shucab maxamed muuse anuu aflagaadayn maayee waa masuul qaran horena maayar u ahaa imika wasiir ah oo qaranka u shaqeeya waxuu qabtayna Taariikhdaa Sheegi Maxamed amiina Taariikhdaa Sheegi Labadooda Midna Aflagaado inagama Geyo EE Reer Gabilayow Intaad Jaafaajiriqa ka baxdaan ka qayb qaata horumarka gobolka gabiley ka socda iyo taakulaynta dadka abaaruhu saameeyeen
ilaahay khayrka ha ina waafajiyo
Wa bilaahi tawfiiq
MAXAMED MUUSE
GABILEY
SOMALILAND
m.muuse64@gmail.com

COMMENTS
LINKS