|
|||||
WAJAALE NEWS
Khilaafkii Xisbiga Ucid Oo Dib U Qandhaday Iyo Jamaal Cali Xuseen Oo Hanjabaadii Ugu Cuslayd Hawada U Mariyay Faysal Cali Waraabe
March 27, 2016 - Written by Editor:musharaxa xisbiga Ucid Jamaal Cali Xusen ayaa mar dhaweyd si adag uga jawaabay hadal ka sooyeedhay gudoomiyaha xisbigaas Faysal Cali Waraabe oo uu ku duray musharaxiisa Jamaal Cali Xusseen isaga oo musharax Jamaal Cali Xuseen ugu Hanjabay Gudoomiye Faysal iyo musharx Muuse Biixi In uu Ka yeeli Doono Wixii Rag Iska Yeeli Jiray. Musharax Jamaal Oo Cadho badani ka muuqatay ayaa shir jaraa,id maanta ku qabtay magaalada Hargaisa waxaana hadaladiisii ka mid ahaa: “Waxaa shay lagu qoslo ah in aan arkay warqad aan summad lahayn oo la yidhi xisbigga UCID baa soo saaray oo been abuur ah oo raalli gelin bay ka bixiyeen xisbigga UCID. Xisbiggu maaha nin warqad koontoro baan ah soo qora oo weliba magaciisa ku qori kari waaya, oo yidhaahda Guddi fulin baa fadhiisatay. Waa fal danbiyeed iyo been qaawan in laga been fariimo gudidda fulinta ee xisbigga UCID. mana jirto guddi fulin oo fadhiisatay. Kuwa soo tahriibiyey warqaddaa been abuurka ah waa kuwa iyaga laftigooda loo soo adeegsanayo burburka UCID oo aanu dhawaan toosh weyn ku ifin doono, xisbiggana geed kaga xidhi doono haddii Eebbe yidhaa. waxaa yidhi Jamaal”
Khilaafka xisbiga Ucid ayaa dib u istaadhamay waxaanay musharaxa xisbigaas Jamaal Cali Xuseen iyo Gudoomiyaha xisbigaas Faysal Cali waraabe ay hawada isu marinayeen 48 kii saacadood ee u danbeeyay hadalo kulkulul Related posts:Dawladda Itoobiya Oo Markii u Horreysay Si Rasmiya u Shaacisay in Midnimada Soomaaliya Tahay faa’iid... Xisbiga Ucid Oo Si Adag Uga Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Madaxtooyada Jamuuriyada Jamuuriyada Somal... DAAWO;-Maamulka Gobolka Gabiley Oo Dhagax Dhigay Mashaariic Tiro Badan Oo Ay Dawlada Hoose Hirgalina... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|