Khasaaraha Qarax Lala Beeg saday Baar Wax Laga Cuno Magaalada Muqdisho | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khasaaraha Qarax Lala Beeg saday Baar Wax Laga Cuno Magaalada Muqdisho
March 9, 2016 - Written by Editor:

 

Taliska booliska Somalia ayaa ka hadlay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay makhaayad lagu shaaho oo ka soo horjeeda xarunta gaadiidka booliska Muqdisho

Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaadhi nooca SURV-ta loo yaqaan kaas oo la sheegay inuu ku qarxay makhaayada, ay shaah ka cabayeen saraakiil iyo askar ka tirsan booliska.

Saddex sarkaal ayaa la sheegay in ay ku dhimatay qaraxa iyo haweeneyda laheyd makhaayada, iyadoo ruux waday gaariga oo dhulkayaalay la sheegay in isagoo dhaawac halis ah ay gacanta ku dhigeen ciidamada booliska.

Taliyaha booliska ayaa xaqiijiyay in saddex sarkaal qaraxaasi ku dhimatay, halka ninkii is qarxinayay oo dhaawac ah gacanta lagu dhigay.

“Wax dhaawac ah ma jiraan, sadex sarkaal ayaana ku dhimatay qaraxaasi ninkii is qarxinayay oo naf xun ku jirtana waa la hayaa” ayuu yidhi taliyuhu.

Dhanka kale taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Booliska ay saaka waabarigii hore qabteen mooto bajaaj lagu waday waxyaabaha qarxa, waxaana uu xusay in saddex nin oo la socotay ay mid ka mid ah ay qabteen, halka labada kale ay baxsadeen.

“Abaarihii afarta habeenimo ee xalay ciidamadii booliska ee ka shaqeynayay wadada 21 October ayaa waxay qabteen mooto bajaaj ay la socotay saddex nin oo qarax waday, nin ayaa la qabtay, labadi kalena waa carareen, kuwii kale ayaa qaraxii taabtay, wax dhaawac ah iyo dhimasho ka dhasay ma jiraan, ninkii la qabtay waxaa lagu raadiyay meeshii uu qaraxa ka keenay iyo cida u soo dhiibtay, ayagana waa la hayaa” ayuu yiri  taliye Cali Gaab.

 

COMMENTS
LINKS