Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub Iyo Turkiga oo Heshiis ka Gaadhay Arrimaha Qaxootiga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub Iyo Turkiga oo Heshiis ka Gaadhay Arrimaha Qaxootiga
March 8, 2016 - Written by Editor:

Brussels (Wajaalenews) Kadib kulan dheer oo Isniintii shalay ka dhacay magaalada Brussels ayaa waxaa lagu soo waramayaa in dalalka Midowga Yurub iyo Turkiga ay heshiis kama danbeys ah ka gaadheen xal u helida arrimaha qaxootiga badan ee doonaya inay soo galaan Yurub.

Weli lama shaacin qodobada heshiiskan oo la sheegay in lagu soo bandhigi doono kulan todobaadka soo socda uu yeelan doono Golaha Midowga Yurub, balse warar hor dhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in Turkiga iyo Midowga Yurub isku afgarteen dhowr qodob oo muhiim ah.

Madaxweynaha Midowga Yurub Donald Tusk ayaa bartiisa Twitterka ku qoray in guul laga gaadhay wadahadalka ay la lahaayeen Turkiga, isagoo sheegay in heshiiskan uu soo afjari doono qulqul-kii qaxootiga badan kusoo galayeen qaarada Yurub.

Heshiiskan ayaa waxaa kamid ah in Turkiga uu joojiyo qaxootiga dalkiisa kasoo baxaya ee soo galaya Giriiga, sidoo kalena Turkiga aqbalo in dib loogu soo celin karo qaxootiga laga soo qabto bada u dhaxeysa Turkiga iyo Giriiga ee Aegean Sea. Midowga Yurub iyo NATO ayaa lagu wadaa inay maraakiib ciidan geeyaan badaasi si wax looga qabto doonyaha qaxootiga sida.

Dhinaca kale Turkiga ayaa lagu soo waramayaa inuu Midowga Yurub ka codsaday Dhaqaale laba jibaar ah intii hore loo filayey, EU-da ayaa hore u balan qaaday dhaqaale gaadhaya 3.4 Bilyan inay siin doonaan Turkiga, hase yeeshee Raysalwasaaraha Turkiga Ahmet Davutoglu oo kulankii shalay ka qeyb qaatay ayaa la sheegay inuu codsaday 3.3 bilyan oo dheeraad ah in lasiiyo dalka Turkiga, si ay wax uga qabtaan xeryaha qaxootiga ee wadankooda.

Turkiga ayaa sidoo kale doonaya in Muwaadiniintiisa loo ogolaado inay Fiiso (Visa) la’aan kusoo geli karaan dalalka la isku yidhaahdo Schengen ee Midowga Yurub. Xukuumada Turkiga ayaa qodobada ay hordhigtay Midowga Yurub waxaa kamid ahaa in Turkiga uu mustaqbalka dhaw uu ku biiro wadamada ku bahoobay EU-da.

 

 

COMMENTS
LINKS