|
|||||
WAJAALE NEWS
Hogaanka Xisbiga Kulmiye Oo Xubin Nimadii Iyo Ka Fulintaba Ka Saaray Qaar Ka mid ah Garabka Isbahaysiga Kulmiye Iyo Magacyada Xubnahaas
March 23, 2016 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews)March . 23, 2016-Hogaanka sare ee xisbiga KUlMIYe ayaa shir wada yesheen ka dib waxay soo saree warsaxaafadeed ay ku cadaynayaan in gudidii fulinta iyo xubnimadiiba ay ka saareen qaar kamida masuuliyiinta garabka isbahaysiga kulmiye, kuwaasi oo wada hadalo toosa la furay xisbiyada mucaaradka ah. War-saxaafadeed Ujeeddo: Lumin Xil iyo Xubinimo Xisbi Sida ku cad warqadda sumadeedu tahay XK/XGX/0042185/2016, kuna taariikhaysan 23 March 2016 ee ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, taas oo lagu kala socodsiiyey hay’adaha ay khusayso, kadib markay wadatashi yeesheen Hoggaanka Sare ee Xisbiga iyo Guddida Fulinta, waxa caddaatay in xubnaha wadahadalka tooska ah kula jira xisbiyada Mucaaradka ah ay si badheedh ah uga horyimaadeen Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Xisbiga KULMIYE. Sidaas daraadeed, iyada oo la raacayo qodobada 11-aad iyo 13-aad ee Dastuurka Xisbiga KULMIYE waxay xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin laga bilaabo maanta oo bishu tahay 23 March 2016 ay gabi ahaanba lumiyeen xubinnimadii xisbiga KULMIYE, taas awgeedna, waxa lagala noqday xubinimadii Golaha Dhexe iyo tii Fulinta.
Waxa kaloo halkan xisbigu ku caddaynaynaa in aan sinnaba loo adeegsan karin astaamaha Xisbiga ee ay ka mid yihiin Calanka, Summadaha iyo Magaca Xisbiga, sidoo kale, wax wadahadal iyo heshiis ah aanay cidna kula gali karin magaca Xisbiga KULMIYE xubnahaasi. Maanta laga bilaabo waxay u madaxbannaan yihiin in ay magacyadooda oo kaliya naftooda ku Xubnahaasi waxa ay kala yihiin:
Allaa Mahad Leh. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE Wajaalenews Hargaisa Office Related posts:Xukuumadda Somaliland Oo Ka Jawaabtay Hadalkii Ay Dawladda Soomaaliya Ku Sheegtay Inay Somaliland Da... Madaxweynaha Jsl Oo Lacago Guddoonsiiyey 988-Kii Qof Ee Ugu Hantida Hooseeyey Ganacsatadii Xoolahoo... Qaar Ka Mida Odayaasha Degmada Oog Oo Musuq Maasuq La Xidhiidha Raashinkii Mucaawinada Ku Eedeeyey M... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|