Gudoomiyihii Hore Ee Xuquuqal Iisaanka Somaliland Oo Si Adag u Canbaareeyay Falkii Lagu Weeraray Guriga Taliyihii Hore Ee Gobolka Togdheer Muj Ilkacase. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyihii Hore Ee Xuquuqal Iisaanka Somaliland Oo Si Adag u Canbaareeyay Falkii Lagu Weeraray Guriga Taliyihii Hore Ee Gobolka Togdheer Muj Ilkacase.
March 4, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Gudoomiyihii Hore Ee Xuquuqal Iisaanka Qaran somaliland Axmed Yuusuf ayaa si adag ug hadlay falkii foosha xumaa ee lagu weeraray guriga muj Axmed Cabdiraxmaan Ilkacse oo  ahaa Taliyihii hore ee Ciidanka Taraafikada iyo taliye qaybeedkii hore ee Gobolka Togdheer oo ay ciidamada RRUda si sharciga baalmarsan ugu daateen guriga uu ka degan yahay magaalada Hargaysa xili uu isaguna ka maqnaa,

Isagoo arimahaasi ka hadlayana wuxu yidhi “Waxaan canbaareaynayaa falkii foosha xumaa ee ciidamada loogu talo galay Argagixisadu ugu daateen guriga muj Axmed Cabdiraxaan ilkacase oo ah sarkaal xukuumada xilal kasoo qabtay waxaan u ragnaa in falkaasi ahaa mid sharciga baalmarsan iyado oo ay laamaha amnigu awoodi karayeen in ay u yeedhaan masuulkan hadii wax dabi ah loo hayso,

“waxaa wax laga xumaado oo bili Aadminimada ka baxsan ah in caruur yar yar iyo hooyadood oo uu waliba aabaha la Doonayay ka maqan yahay sidaa loola dhaqmo,

Waana arin qaranka ku ceeb ah in ay ogaan kari waayaan guriga ay weerarayaan oo uu ka maqnaa masuulkii lahaa taasina waa mid muujinaysa sida ay cidamadan uga aradan yihiin in ay sugaan xogata ay u socdaan.

markii aanu buuqanay guriga ay degan yihiin qoyskani waxaan kusoo aragnay dhacdooyin argagax leh oo ay ciidamadu ku reebeen caruurtii waxay nagu yidhaah deen ma waxaad tihin kuwii nasoo weeraray waxaana gabi ahaanba ka muuqatay qoyskan in ay dhacdadani ku reebtay sas ay kaqabaan cidkasta oo xiligaa u tagta,

Uga danbay dawlada waxaa looga fadhiyaa in  ay jawaab ka bixiso dhacdadan waana mid ay taariikhdu xusidoonta,

Dhawaan ayay hayd marii cidmada RRUdu u daateen gurin ismarkaana ay galalafeen guud ahaan wxii alaab guriga dheyaalay iyagoo dhibaatana u gaystay hooyada gurigan degen,

COMMENTS
LINKS