|
|||||
WAJAALE NEWS
Daawo:Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Shaaciyay In aanu Jamaal Cali Xuseen ahayn Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigaas Iyo Khilaaf Hor Leh Oo Hadheeyay Xisbiga Ucid
March 27, 2016 - Written by Editor:Daawo:Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Shaaciyay In aanu Jamaal Cali Xuseen ahayn Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigaas Iyo Khilaaf Hor Leh Oo Hadheeyay Xisbiga Ucid Hargeysa(Wajaalenews)Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in Jamaal Cali Xussen aanu aheyn musharaxa madaxweyne ee xisbigaasi UCID. Muddane Faysal Cali Waraabe waxaa uu sabab uga dhigay hadalkiisa isaga oo sheegay in wakhtigii Jamaal loo doortey Musharaxa madaxweyne uu xisbiga UCID ahaa urur balse xisbigu iminka uu dooran doono musharax madaxweyne oo rasmi isla markaana ay shir weynahoodii golaha dhexe qaban doonan marka ay diwaangalintu dhamaato waxaana uu yidhi “Jamaal Cali Xussen ma aha musharax yaa idinku yidhi waa musharax , maalintii aanu musharaxa ka dhignay xisbiba maanu aheyn hadii uu musharax noqdana xisbiga ayuu ka soo bixi doonaa laakin waxaan sheegayaa Jamaal wakhti xaadirkan maaha musharaxa doorashooyinka uga qayb galaya xisbiga UCID ” Ayu yidhi Faysal Cali Waraabe Sidoo kale gudoomiye Faysal Cali waxa uu carabka ku dhuftay in xukuumada Somaliland iyo xisbigeeda Kulmiye uu xidhiidh ka dhexeeyo isla markaana ay labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID ay dano gaar iyo mid guudba ka dhexeeyaan waxaana uu yidhi. “Xisbiga Kulmiye iyo xukuumada dan baa naga dhaxeysa iminkana shir baaba aanu wada galeynaa markaas dano guud iyo mid gaar baa naga dhexeeya ee ma ceebaa taasi ” ayuu hadalkiisii ku soo koobay Faysal Cali Waraabe. Si kasteba ha ahaatee khilaafkan ka dhaxeeya gudoomiye Faysal Iyo Musharax Jamaal Cali Xuseen ayaa noqonay khilaafkii labaad ee ka dhex qarxay xisbiga UCID isla markaan auu gudoomiye Faysal sheegay inaanu Jamaal Cali Xuseen ahayn musharax doorashooyinka uga qayb galaya xisbiga UCID.
Related posts:Haweenay Xiisad Yaab Leh Ka Dhex Abuurtay Dalalka Norwey Iyo Imaaraadka Carabta Oo Laga Sii Daayay X... “Sanad Walba Dekedda Waxaynu Ka Qaadanaa kiro $ 5 Milyan ah, Sanadkana Kuma Jirto Miisaaniyada Oo Ho... Mashruucii Biyo Balaadhinta Caasimada Hargaysa Oo Marlabaad Hakad Ku Yimid Iyo Siyaasi Fashiliyay Do... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|