Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Buuxiyay Xubintii Xoghayaha War Faafinta Una Magacaabay Xubin Hore Isaga Casishay XIsbiga Kale Ucid | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Buuxiyay Xubintii Xoghayaha War Faafinta Una Magacaabay Xubin Hore Isaga Casishay XIsbiga Kale Ucid
March 10, 2016 - Written by Editor:

Hargaisa(wajaalenews)Xisbiga  Mucaaradka ah ee Wadani ayaa buuxiyay Xubintii ka banaanayd Xisbigaas ee xoghayaha warfaafinta oo uu hore u baneeyay Boobe Yuusuf Ducaale,waxaana xubintan loo magacaabay C/rashiid Xasan Mataan oo hore u ahaa musharxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Ucid Balse hore isaga Casilay Jagadaas.Shabakdan wararka ee wajaalenews oo heshay nuqulka magacaabista xubinta ayaa u dhignayd sidan

REF/XIS/WAD/XDH/2300/2016 Date: March 9, 2016

Ku: Md C/rashiid Xasan Mataan =Hargeysa=

Og: Guddiga Fulinta Xisbiga WADDANI =Hargeysa=

Og: Hoggaanka Xisbiga WADDANI =Hargeysa=

Og: Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI =Hargeysa:

Ujeeddo Magacaabis Xil

Markan dersey: Qodobka 28 aad ee Xisbiga WADDANI
Markaan Arkay: Baahida loo qaba buuxintA jagada Xoghayaha War-faafinta
Markan La Tashaday: Xubnaha Hoggaankaa Xisbiga WADDANI
Marka Aan Ku Qancay: Waayo aragnimada iyo aqoonta uu leeyahay Md C/rashiid Xasan Mataan
Maanta oo ay taariikhdu tahay March,9.2016 wuxuu hoggaanka Xisbiga WADDANI go’aamiyey in Mudane C/rashiid Xasan Mataan uu noqdo Xoghayaha war-faafinta Xisbiga WADDANI
Waxaanu ilaahay uga baaryayaa in uu ku soo kordhiyo Xisbiga WADDANI figrado wax-ku-ool ah iyo in uu ku soo biirin doono waayo-aragnimo iyo khibraadiisa u gaarka ah .
ALLAA MAHAD LEH
Md:C/raxmaan Maxamed C/laahi “Cirro”

GuddoomiyahA Xisbiga WADDANI

 

COMMENTS
LINKS