Gudoomiyaha Degmada Tog wajaale Oo Awood iyo Shaadh Dawladeed u Adeegsaday Baabiinta Dhaamka Ilama Axmed Xuseen Kooshin Iyo Xaalado Cakiran oo ka Taagan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Degmada Tog wajaale Oo Awood iyo Shaadh Dawladeed u Adeegsaday Baabiinta Dhaamka Ilama Axmed Xuseen Kooshin Iyo Xaalado Cakiran oo ka Taagan
March 6, 2016 - Written by Editor:

TOGWAJAALE(W,N)Gudoomiyaha Degmada Togwajaale Cabdi Saleebaan ayaa cagaf cagafyo mariyay Dhaamkii ay lahaayeen Ilma Xusseen Kooshin kana mid ahaa balayada waawayn ee Kuyaala magaalada Tog wajaale oo ay ka cabi jireen  dadweynaha ku dhaqan Degmadaas oo aan lahayn biyo ay cabaan.

warqada eeda gudomiyaha,wajaale

Sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah mulkiilayaasha Balaygaas oo la soo xidhiidhay shabakadan wararka ee Wajaalenews ayaa sheegay in iyada oon wax wargalina lasiin ismarkaana waxlaga waydiin uu gudoomiyaha degmadu sibadeedha baabiib ugu bilaabay balayga wayn ee ay leeyihiin ilma AXMED XUSEEN KOOSHIN siiba bahdii dhaxalka u heshay sidoo kale gudoomiyaha xiligan oo markii hore kamid ahaa gudida horumarinta wajaale ay jirtay in ay xiligaa isaga iyo xubno kale ay   Cagaf galiyeen Dhaamkan oo keenay in gudoomiyaha jeelka loo taxaabay laguna qaaday dambiile, kadibna ilaa intii loo magacaabayay gudoomiyaha wajaale uu ku joogay damaanad ay damiinteen gudoomiyihii hore ee wajaale iyo odayaal kale,balse nasiib daro uu imika u soo xidhay shaadh dawladeed isaga oo ku tagri falaya awooda dawladnimo si qaldana u adeegsanaya xilka loo igmaday ayay yidhaahdeen mulkiilayaasha balaygani, waxaanay sheegeen in uu si ficiltan ku jiro cagta u mariyay Dhaamkaas isaga oo ku gabanaya in uu ka banaynayo wado.

sidoo kale xubnahan ayaa sheegay in uu si khaldan meel kamida dhaamka horteeda uu ku dhistay maqsin jiin gada kaasi oo uu diiday xataa in meesha ka jaro.

download (2) BALAY

Burburinta balaygan ayaa keenay khilaaf hor leh oo u dhexeeya bulshada  reer wajale ee iyagu neceb dulmiga  eDegmada Togwajaale kaas oo imika qarka u saaran in ay mudaharaadyo hor leh gilgilaan magaaladaas oo xiligan khaati ka taagan habdhaqanka maamulka wajaale. sidoo kale  maayar cabdi ayaa hore si badheedha u weeraray midkamida ganacsatada wajaale oo la sheegay in baaskoolad ku qabtay tasi oo bulshada reer wajaale shaki wayn ka galisay masuuliyada maamulkan iyo sida uu cadaalad ugu samayn karo maadaama uu isagiiba sharcigii gacantiisa ku fushanayo.

Si kastaba ha ahaatee dad wayanaha ku dhaqan magaalada Tog wajaale ayaa biyaha ka hela dhaamamka waawayn ee ku yaal magaaladaas oo ay dad iyo xoolaba uga yimaadaan magaalada iyo nawaaxiga Tog wajaale kuwaas oo uga qiima wayn wadooyinka waxaana aan suuragal ahayn xiligan in la buruburiyo balayadaas nasiib daro se   masuuliyiinta dawlada ayaa xiliga loo magacaabo xil ka aar guta bulshada loo igmaday  inay u adeegan iyaga oo kaga faa,iidaysta shaadh dawladeed iyo muquumin awoodeed   

 

COMMENTS
LINKS