Gabiley: Kulmiye Oo Dad Soo Dhaweeya Muuse Biixi Kasoo Daad Gureynaya Caasimada Hargeysa iyo Dhaqdhaqaaqa Xisbiga Wadani ee Wajaale iyo Gabiley | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gabiley: Kulmiye Oo Dad Soo Dhaweeya Muuse Biixi Kasoo Daad Gureynaya Caasimada Hargeysa iyo Dhaqdhaqaaqa Xisbiga Wadani ee Wajaale iyo Gabiley
March 15, 2016 - Written by Editor:

Gabiley(W.N)-Xisbi Xaakimka Kulmiye iyo Xildhibaanada taageera Gudoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi ahna Murashaxa Jagada Madexweyne ee Xisbigaasi ayaa caweysinkii caawa ugu guus tagey Caasimada Somaliland ee Hargeysa soo dhaweynta Gudoomiyaha iyo Waftigiisa, kadib markii Gudaha Gabiley iyo Degmada Tog-Wajaale ee lafdhabarta ku ah Gobolka Gabiley dadweynaha kunooli intooda badani ka biyo diideen in Durbaan indha-sarcaad ah kusoo dhaweeyaan Muuse Biixi iyo Kulmiye.

Arintan ayaa la sheegay in ay ka hawlgaleen Dhalinyaro Taageera Muuse Biixi iyo Xubno kasoo jeeda Gobolka Gabiley oo ay wakhti hore isugu dambaysay dadweynaha Reer Gabiley ee codkooda u hibeeyay xili ka aawan sabanka adag ee maanta lagu jiro,inkastoo la hadalhayo in uu baaqdey Socdaalkii Bari Salaasada uu Muuse Biixi ku imanayey Magaalada Gabiley si loo shisleeyo soo dhaweyntiisa,talaabadaas oo ay fikir ahaan usoo kordhiyeen Wasiiro kamid ah Raga Taageersan oo faro madhan ka joogsadey Taageerada Shacbiga Tog-Wajaale iyo kuwa Gabiley.
Sikasta oo ay tahey Rajo xumada soo waajahdey Xisbi Xaakimka Kulmiye ayaa, qeyb ka ah dhcdooyinkii Baligubadle ee kormeerka Diiwaangalinta labada Xisbi Kulmisey taas, oo jamaahiirkii ugu badnaa usoo baxeen Xisbiga Mucaaridka ah Wadani iyo Waliba Siyaasiyiin Misaan leh oo Deegaankaasi kasoo Jeeda oo iyaguna Waftiga Gudoomiye Ciro iyo Xisbiga Wadani qeyb ka ahaa.
hiirta(2)

 

Dhinaca kale waxa Siweyn looga dareemayaa Gudaha Magaalooyinka Gabiley iyo Tog-Wajaale dhaqdhaqaaqa Xoogan ee Xisbiga Wadani iyo Gudoomiyahooda loogu diyaar garoobayo taas o taageero mug iyo miisaan leh u sameysay Xisbigaasi Mustaqbalka Doorashooyinka ee Gobolka Gabiley,Dadweynaha Reer Tog-Wajaale oo ka cabanaadey Maamul Jaahil ah oo dadka gacanta ula taga oo dhawaan loo soo maGacaabay Gudoomiyaha Degmadaasi Cabdi Saleebaan iyo arimo kale oo ay Wasiir Shucayb iyo Xubno koobani ku caris qaleen Taageeradii Tog-Wajaale ee Xukuumada iyo Kulmiye Labadaba.
wajaale news desk
gabiley office

COMMENTS
LINKS