|
|||||
WAJAALE NEWS
DJibouti Intay Soomaaliya Nagu Sheegayso Heshiin Mayno.Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Galbeedka Somaliland.
March 17, 2016 - Written by Editor:Saylac(Wajaalenews) Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Gobollada Galbeedka Somaliland Dhamme-Maxamed Yuusuf “Otor” ayaa isagoo kusugan magaala-xeebeedda Saylac mar uu saaka saxaafadda qaarkeed la hadlayey wuxu taliyahaasi si cadho leh uga hadlay hadal dawladda Djibouti kazoo yeedhay oo kusaabsanaa dagaal dhowaan ciidammada Xeebaha Somaliland iyo kuwa Djibouti ku dhexmaray Gasiiradda Ceebaad ee Galbeedka Somaliland xilligaas oo Djibouti sheegtay inay ciidammadooda is heleen malleeshiyaad hubaysan iyo in malleeshiyaadkaasi katirsanaayeen una carareen dhinaca xeebaha Soomaaliya. Waxana Taliye-Otor isagoo arrintaas ka hadlaya uu yidhi “Anigu Saylac baan joogaa Somalia-na ma ahi ee Somaliland baan ahay, mana yeelayo Afka ay Jabbuuti ku hadlayso, inta ya afkaas ku hadlaysona ma ahi nin u xoodanaya ama horteeda tegaya”. “Kamana aqbalayno cidnaba Somalia baad tihiin waayo taasi waxay xaqiraad ku tahay qarannimada Somaliland”. Taliyaha Ciidammada Ilaalada Xeebaha Galbeedka Sanaag Dhamme-Otor Isagoo ka hadlaya waanwaan arrintaas ay ka wadaan mas’uuliyiin Somaliland katirsan iyo dawladda Djibout-na wuxu yidhi: halkan ka dhagayso: <iframe width=”854″ height=”480″ src=”https://www.youtube.com/embed/ec6U8LQlCzk” frameborder=”0″ allowfullscreen></iframe>
“Weftiga Somaliland iyo Kuwa Djibouti ee iyagoo aan iman ama arag goobtii Djibouti weerarka gar-darrada ah kusoo qaadday ee gudaha Somaliland haddana ka Wada hadlaya Arrintii Weerarka Djibouti ee ay rasaasta madaxa kala dheceen ciidammada ilaalada Xeebaha arrintaas waxan u arkaa in Djibouti waddo Midho Daray Duuduub baa lagu liqaa Taasna yeeli mayno marnaba”. Ugu danbayntiina Taliye-Otor wuxu intaas kusii daray “Djibouti dabarkii nabadgelyada iyagaa gooyey oo weliba tiiqtiiqsi kusii daraya annaguna waxannu leenahay mid noo gaar ah xidhi mayno lamana heshiinayno ilaa inta ay carrabka ku dhejinayaan malleeshiyaad Soomaaliya u cararay iyo ciidankayaga ayaa is helay”. Cidday doontona ha ahaato ama meeshay doontoba ha ahaadeene cid kastoo arrintaas ka wada hadlaysa waxan u sheegayaa in aannaan aqbalayn weerarka qaawan iyo hadallada Djibouti nagaga yimid qarannimada iyo jiritaanka Somaliland-na aannaan cidna u daba fadhiisanayn waannuna ku filan nahay xoraynta xuduudaha guud ahaan Somaliland inaannu ka difaacno cadow kasta: Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|