DHARDHAARADDA OO LAKALA BEDDELLAA TAYADA MARRAQA WAXBA KAMA BEDELLAYSO. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DHARDHAARADDA OO LAKALA BEDDELLAA TAYADA MARRAQA WAXBA KAMA BEDELLAYSO.
March 2, 2016 - Written by Wariye:

24\02\2016

1

DHARDHAARADDA OO LAKALA BEDDELLAA TAYADA MARRAQA WAXBA KAMA BEDELLAYSO.

Waxaynu dawladda u samaysanay in dadka iyo Dalka loogu adeego. Shacbiga reer Somaliland ee samirka badan ee Nabadda jecel waxay madaxweynaha Mudane Axmed Siilaanyo ka filanayeen in uu u horseedo ummadda hab-nololeed dhallin kara caddaalad, nabad, sinaan iyo xaq-soor dhab ah iyo shaqo loo abuuro dhallinyaradda tahriibku aafeeyey.

May filayn hebel- hebel ku beddel. Dhardhaaradda oo lakala beddellaa tayada Xukuumadiisa waxba kama beddellayso. Waxaa la filaayey in uu sameeyo isbeddel khayr qaba oo dhab ah, mid siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid bulsho, hebel hebel ku beddel xal maaha. Waxaynu beddellaynaa waa nidaam qalloocday oo dhan min heer tuulo, degmo, gobol ilaa heer qaran.

Kala xadaynta Gobollada iyo degmooyinka waxaa dayacay xukuumaddihii u kala dambeeyey ee dalka soo maray oy ugu dambayso xukuumaddan uu M/weyne Axmed Siilaanyo madaxda ka yahay; islamarkaas ballan-qaadyadiisiina waxaa ka mid ahaa in uu furi-doono lixdan koobood ee deldelan, welina waataa sidii u xayiran. Haddii aanay Xukuumadda Mweyne Axmed Siilaanyo kala xadayn Karin gobollada iyo degmooyinka, maxaynu Qaran ku noqonaynaa; saw ha-lays wada qabsado xaalku maaha? Abidkay tan oo kale ma arag!!!

Dekedihii waa beeluhu ha ku heshiiyaan? Gurigii Tiyaatarka Beeluhu ha ku heshiiyaan? Deegaankii beeluhu ha ku hwshiiyaan? Wax-walba waa Guddi ha loo saaro : Guddida Sicir-bararka, Guddida Gurmadka Abaaraha, Guddida dib-u-

2

habaynta dhulka, Guddida Aqoonsi raadinta, Guddida Baliga Diiriye. Wax-walba guddi u saar waxna yey dhammaan?

Waxaa dhacay wax aan la filayn iyo waxaan loo fadhiyin; taas oo shacbiga Somaliland ku noqotay amakaag, af-kala-qaad iyo fajiciso. Xaaladii timaadaba M/weyne Ahmed Guddi wuxuu u saaraa Guddi, guddiyadaa is-daba joogahi wax ay soo saaraan ummaddu may arag. Guddi waxay Xukuumaddu u saartaa wixii aan la doonayn in go’aan deg-deg ah laga gaadho? Waxay u baahanahay caddaalad midnimo, talo-wadaag, wadatashi, is-ixtiraam, is-tixgelin, kala-dambayn. Waa in aynu ka guulaysanaa beenta, khiyaamada, musuq-maasuqa ay siyaasiyiinteenu caadaysteen ilaa iyo 1960kii. Waa in maxadu sharciga ku dhaqanto oy fuliso.

DACALKAA ILAAH NOOGU XIDHAY DUUL HABAAR QABA’E.

PROF. AHMED AL-AZHARI

E-MAIL: SOMALILAND_2013@ HOTMAIL.COM

 

 Pro Ahmed (Asari)

 

 

 

 

 

 

 

 

 

3

WED. 03/02/2016

WAA MAXAY DIMUQRAADIYADDU ?

Dimuqraadiyaddu waa nidaam siyaasadeed oo is-xukun, maamul-wanaag iyo kala dambayn oo loo wada siman yahay. Dimuqraadiyadda waa la koriyaa ee lama curyaamiyo. Waxaana koriya doorashooyin XOR IYO XALAAL AH, Isla markaana ku qabsooma wakhtigooda oon kolba la iska kordhin haddii aanay dhicin masiibo weyni. Wax kaloo sal u ah Distoorka Qaranka iyo xeerarka farcama oo si dhab ah loogu dhaqmo.

DIMUQRAADIYADDU WAX MICNO AH MA LEH:

  • Haddii aan distoorka qaranka lagu dhaqmayn; oon siduu yahay loo fulinayn.
  • Haddii aanay doorashooyinku ku qabsoomayn wakhtigii loogu tallo-galay oo marba layska kordhisanayo, iyadoo aanay dhicin wax masiibo ihi sida: Dagaal, Duufaano iyo abaaro baahsan iwm.
  • Haddii aanay SAXAAFAD XOR IHI JIRIN, DIMUQRAADIYADDI MA JIRTO. Saxaafadda iyo war-baahinta kale waxay ka mid yihiin Xorriyaadka aasaasiga ah ee Ra’yi dhiibashadda, Xorriyatal-Qawlka.

Waxaa Xukuumadda JSLand, waajib ku ah inay dhawrto Xorriyatal – Qawlka iyo dhammaan Xuquuqda iyo Xorriyaadka aasaasiga ah ee Suxufiyiinta.           GUUL IYO GOBONNIMO

PROF. AHMED AL-AZHARI   e-mail: SOMALILAND_2013@HOTMAIL.COM

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

                

 

 

 

 

 

 

                     31/01/2016                                                                                         

1

SICIR-BARARKA IYO MUSUQMAASUGU WAA AAFO QARAN

Jamhuuriyadda Somaliland ee ka tisqaaday Geeska Afrika waa Dawlad curdin ah oon weli aqoonsi ka helin Beesha Caalamka.

HADDABA HADDII DAKHLIGA YAR EE DALKEENA KA SOO BAXA IYO WIXII MUCAAWIMOOYIN XUKUUMADDA LA SIIYO LOO MAAREEYO SI WANAAGSAN, OO DAAH-FURAAN IYO WADA-XISAABTA LEH; WAXAY DAWLADDA JSL. JIRI KARTAA MUDDO-DHEER SIDA DALKA TAYWAAN (TAIWAN) IYADOON AYNAAN KA HELIN WAX AQOONSI AH BEESHA CAALAMKA; HADDII KALE OY CURYAAMIYAAN SICIR-BARAR, MUSUQMAASUQU, BOOB IYO EEX MA SII JIRI KARAYSO MUDDO-DHEER.

MAXAA SABABAY SICIR-BARAR?

Sicir-Bararka Somaliland xukuumadda ayaa samaysay (It is man made). Hor iyo horaan JSLand ma laha Baan-Dhexe (Central Bank) laakiin waxay leedahay khasnadii Dawladda (Treasury Bank) kaas oy xukuumaddu lacagta dhigato, wixii mushahar ah iyo kharashaad ahna kala baxdo.

  1. Somaliland Baan Dhexe ma leh. Balse waxay leedahay Khasad (Treasury).
  2. Xukuumaddu waxay soo daabacatay lacag tira-badan(Sl.Sh.1000 iyo 5000)
  3. Xukuumaddu ma ilaaliso qiimaha badeecadaha kala duwan(CPI=Consumer Price Index).
  4. Baananka iyo Xawaaladaha Kayd lacageed lagama qaado.
  5. Xawaaladii Qaran waa tii kacday, dad badan baa ku waayey lacagtoodii, Xukuumadaana ka masuul ah Ilaalinta lacagaha muwaadiniinta.

2

WAA MAXAY BAANKA DHEXE SHAQADIISU?

  1. Waa Baanka Bangiyadda (the bank of the banks).
  2. Wuxuu masuul ka yahay soo daabicida lacagta wadanka (i.e. Somaliland shillings), marka loo baahan-yahay oo qudha.
  3. Wuxuu masuul ka yahay ilaalinta lacagta iyo jaangoynteeda.
  4. Baanka dhexe isaga ayaa masuul ka ah maalin walba qiimaha lagu kala iibsanayo shillinka Somaliland iyo lacagaha kale sida Doollarka Maraykanka.
  5. Baanka dhexe wuxuu masuul ka yahay in uu ka hayo keyd lacageed cid kasta oo leh Baan ams Xawaalad, si uu u ilaaliyo hantida muwaadiniinta lacagta dhiganaysa Baanankaas ama Xawaaladahaas. Tusaale wanaagsan: Waa tii kacday Xawaaladdii Qaran ma jirin cid keyd lacageed ka haysay. Sidaa ayey muwaadiniintii S/Land ku waayeen lacagtii ay dhigteen Xawaaladdii Qaran.

MAXAA DHACAY JIMCIHII 22/01/2016?

Xukuumaddu waxay samaysay qiima-dhimis ay ka dhigtay halka dollar= 6000 sh.

Halkuu ka ahaa 8000 shs. Arrintaas Xukuumaddu kama ay fiirsan, wey ku deg-degtay. Maalintaas suuqyada Sarrifka waa laysku dhacay. Shacbiga Jeebkoodii waa la baadhay oo la boobay, maceeshadii cirka ayey isku shareertay. Sarriflayaashu maalintaa mid waliba wuxuu khasaaray 100 Dollarba laba boqol oo kun Shillinka S/land. Dadweynaha waxaa u raacday maceeshadii iyo badaacadaha kale midkiiba waxaa fuulay oo la kordiyey $2.50. Shacbigu waxay sugayeen sicir dhimis, sawtan maceeshadii cirka isku shareertay. Tanba yaa u fadhiyey.

ABWAAN GAARIYAA LAGA HAYAA(AHUN): BAL CAR SUUQA MADOOW CIDUU YAHAY SOO HEL?

3

Marka ay Xukuumaddu qiimo u yeelayso shillinka S/Land ma aha inay Boobto shacbiga danyarta ah ee la daallaadhacaaya nolol maalmeedkooda, mana haboona in mar qudha hoos loo dhigo laba-kun oo shillin (from 8,000 to 6,000). Taasi waa boob, waa dhac aan meela loogu soo gaban.

ILAHAAY DUL BADANAA WAA KA DAALLINKA ARKAAYEE

MUJRIM DAAJINAAYEE DAALACAN KARAAYEE

WAXA AY DALDALAYAAN KU SII DAAWANAAYEE

DULMIGA U SHIFEEYEE DIB WAX UGU DHIGAAYEE

ALLA DEREJO WEYNAA DUL IYO DEEQBA BADANAA???

Haddaba Musuqmaasuqa iyo sicir bararku waa Aafo-Qaran, waa mid gun iyo baar saameyn weyn ku leh hab nololeedka shacbiga S/Land. Sidaa awgeed Musuqmaasuqa, Sicir-bararka iyo sarrif-bararka ayaa naafeeyey danyarta S/land sida: askarta, macallimiinta, karaaniyiinta, Ilaaliyayaasha iyo Nadiifiyayaasha, Dadka shaqo aan haysan iyo xaasaska dan-yarta ah.

ABWAAN GAARIYE WUXUU YIDHI:

XALKU INA SAN-WEYNOOW MAAHA GEEDO SARE-WAABE

SOLIMAYSO MAANTANA HADDAAD WAX U SARBEEBTAANE

SAKATIGA KU JIRA BUU RABAA IN AAD KA SAARTAANE

XAAJADU KA SINA-WEYN NIMAAD LACAG IYO DEREJO SIISAANE.

SIRRI-DAARI WEEYAAN DADKAN AAD SAHA-SHANAYSAANE.

HALKU WAXA WEEYE:

  • Lacag aan loo baahnayn in aan la soo daabacan. Taad soo daabacdayna aanad Doollar ku bedellan.

4

  • In deg deg loo sameeyo Baan Dhexe oo awood leh, lana ansixiyo xeer-baanka oo laga saaro wixii Diinta Islaamka ka soo horjeeda.
  • In ay Xukuumaddu yareyso isticmaalka kharashaadka aan loo baahneyn.
  • In hoos loo dhigo cashuuraha wixii daruuri ah sida cuntada, wixii kale sida Qaadka iyo Sigaarka cashuurtooda kor loo qaado.
  • In Xukuumaddu xagamayso qiimaha badeecadaha(price control).
  • Inay ku kalsoonaato baankeeda, oy dhigato lacagta adag.
  • In shillinka Somaliland kaydiyo Baanka Somaliland, baanka kale iyo xawaaladuhuna ay xisaab shillinka Somaliland ah ka furtaan Baanka Somaliland.
  • In shaqaalaha Dawladda oo dhan mushaharka lagu siiyo shillinka S/Land.
  • In la xoojiyo lana dhiirigeliyo wax beerista sida gallayda, hadhuudhka, Bariiska iyo Digirta IWM.

          

OOHOW KUMA SAL-DHIGO GEEL HADDAAN SABO U OODNAYNE.

 

 

                             GUUL IYO GOBONNIMO

PROF: AHMED AL-AZHARI

E-MAIL: SOMALILAND_2013@HOTMAIL.COM

TEL: 063-4416456

 

 

     21/01/2016    

Khalad keliya uu madaxweyne Qaran galo am il-duufo, ayaa dal iyo dadkiisaba burburin kara Sidii Ciraaq, Liibiya ama Somalia.

HOR-DHAC:

Lixdankii xorriyadeenii, calankii iyo Dowladeenii muquuno ayeynu u bixinay (wey luntay),shan iyo konton sanno(55 years) ka dib, qiimaha la soo noqoshadii innagu kacday waxay noqotay in aynu ku weynay Wixii ummaddu mood iyo nool ay lahayd ilaa laba-boqol oo sannadood.   Waxaa kaloo ku naf waayey boqolaal kun oo mujaahid, boqolaal kale oo naafo ah, boqolaal Agoomo ah iyo boqolaal xiskoodu dhiman yahay oo suuqyadda meeraalaysanaya. Khalad-weyn iyo fashilaad siyaasadeed bay aheyd. Waxba ka-maynu faa’iideysan khaladkaa weyn ay galeen siyaasiyiinteenu 1960kii. Waxaa dhammaanteen innagu waajib ah, in aynaan mar kale si fudud u gelin khaladkii la galay 1960kii ee dad iyo duudno lagu hoobtay.

Shacbiga Somaliland ee samirka badan ee Nabadda jecel wuxuu degel fadhi ahaa 25 sanno oy raasamaal cun ahaayeen. Dadku maalinba maalinta ka dambaysa ayey sii faqriyayaan. 1991kii inankii dhashay maanta waa Aabo, inan’tiina waa hooyo. Dawladda waxaynu u samaysanay in dadka iyo dalka loogu adeego iyo in xukuumaddu u horseedo ummadda hab-nololeed dhalin kara Nabad, caddaalad, shaqo iyo horumar dhinac walba leh.

Ummaddu waxay xukuumadda cusub ka filaysay Isbeddel Nidaam(system) oo dhab ah, mid siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid bulsho.   Hebel- Hebel ku beddel xal maaha, waxa u baahan in la beddelo waa nidaamka qaloocday oo dhan min heer Tuulo, Degmo, Gobol ilaa heer Qaran.

Waxaynu dhisnay Qaranka S/land oo loo wada-dhan yahay oo xor ah, waa Qaran cusub oo xaqiiqadu siday tahay wax badan keligii qabsaday, iyadoo dhinac walba cadowgu ka curyaaminaayo. Waxaa xaqiiqo ah, oon murran ku jirin inay S/land 25kaa sanno ku tallaabsatay horumar weyn oo la taaban karo, tan iyo markii ay Qarannimadeeda la soo noqotay, 18 May, 1991kii.

Ilaa aynu gaadhno Yoolkeena ah in aynu ka helno Beesha Caalamka Aqoonsi caalami ah, Dhallinyaradeena shaqo u abuurno, Dadkeena macaluusha ka saarno, oynu dadkeena iyo Dalkeenaba horumar muuqda gaadhsiino fadhi inooma yaalo. Quluubta shacbigeenu waxay weli la ooyeysaa xasuusta xasuuqii Taliskii macangaga ahaa u gaystay. Reer URUP (EU) weli may halmaamin dhibaatadii uu u geystay Dagaalkii Kowaad iyo kii labaad ee dhammaaday 1945. Haddaba siday ku halmaamaan reer S/land xasuuqii 1988 ee weli qoyan ee maalin walba lafaha xasuuqii daadku soo saaraayo. Kuwa ilaawa taariikhdooda waxaa lagu ciqaabaa in wixii ay soo marreen ee dhib ahaa mar labaad lagu celiyo!!!

                        DADKA XOOLO MAAHEE   XAGGAAD UGU DURKAYSAAN

Shaki kuma jiro in wakhti aad iyo aad u fara-badani inagaga lumay muran iyo khilaaf inaga marrin habaabiyey danteenii Guud iyo mustaqbalkii ummaddeena. Aqoonsiga Dowladdeena curdanka ah iyo mustaqbalka ummaddeenu maaha wax fudud ama nasasho leh, balse waa mid halgan adag oon joogsi lahayn u baahan. Cid ku canaanan mayo wixii awoodeena ka baxsan, laakiin wixii aynu qabsan karaynay ee aynu dayacnay waa laysku dhaliilayaa. Ilaa iyo intaynu gaadhayno yoolkeena halgankeenu ma dhammaan doono.

Waxay Ummadda S/Land si weyn oo aad u adag u doonayaan xaqa ay u leeyihiin sidii ay u heli-lahaayeen Aqoonsi Caalami ah oy ka helaan Beesha Caalamka. Waxay ummaddu muddo-dheer raadinayeen waa sharafta, karaamada iyo sinnaanta ay ummad-kastaa xaq u leedahay. Waa rabitaan dhab ah oon ka noqosho lahayn.

Waxaan hubaa oon aaminsanahay, marka aynu u adeegsanno si caqli-gal ah tamarteena oo dhan(Caqligeena,Xooggeena iyo Maalkeena) Ilaahayna aynu Tallo-saarano, cid kuu diidi kartaa in aynu guulaysano ma jirto.

 

SIYAASADDA ARRIMAHA DIBEDDA EE SOMALILAND:

Wadahadalkii Somaliland iyo Somalia wey fashilmeen. Yaa fashiliyey wadahadalkaas? Waxaa ka baxay wixii lagu heshiiyey Somalia! Waxay wadahadalkii joogsaday markii Somalia soo dirteen dad asal ahaan Somaliland ka soo jeeda. Sidaas ayey wadahadaladii ku fashilmeen oy Somalia ku fashilisay. Sidaas awgeed waa in la joojiyo wadahadaladaas waa wakhti lumis oo wax guul ah laga gaadhimaayo :

  • Wax kasta oo lagu heshiiyey kulamadii Turkiga, waxaa ka baxay Somalia. Sidaa awgeed, maadaama ay Somalia si cad uga baxday ama u jebisay wixii lagu wada-heshiiyey.
  • M/weyne waxaa lagaa filaayey oy ummaddu kaa sugaysay in aad soo xidho wada-hadallada; marna lagaama filayn isu-socod iyo is-dhex-gal Labada shacab ee Somaliland iyo Somalia.
  • Waxay kaloo shacigu ka saseen oy xasuusan yihiin 65kii madax-dhaqmeedka ahaa ee Somalia ka yimi ee ka soo degay madaarka Cigaal ee Hargaysa iyadoo wax fiiso ah aan wadan; Xukuumadaaduna ay ku jawaabtay warba kamaanu hayn ilaa, ay madaarka Cigaal yimaadeen. Halkii aad ka celin lahayd aad tidhi madax-dhaqmeedka Somaliland ha qaabilaan, wixii kharash ahaana ay bixisay Xukuumadaadu; sidiina lagu qaabilay.

                       DADKU XOOLO MAAHEE

                     XAGAAD UGU DURKAYSAA!

IYABA WAA TABAALAHA ADUUN TAYNU ARAGNAAYE

TUKALOO KA DARAN BAA JIRTEE TAANA BAL AAN SHEEGO.

24/11/2015 Qunsulka Guud ee Turkiga u fadhiya Caasimadda Somaliland ee Hargaysa Mr. nuzaffer Yuksel iyo Safiirka Turkiga ee Arrimaha Somalia, ayaa bishii April ee 2015, la kulmay xubno ka mid ah salaadiinta reer Somaliland uu ku jiray Suldaan Yuusuf Muhumed Xiiray; ku waasoo ka wada-hadlay arrimo khuseeya dhinac Nabaddelyadda iyo dariiq loo maray xasiloonida ka jirta JSL.

  1. Waxaa si weyn hoos ugu dhacay sumcaddii, karaamadii, sharaftii iyo rajadii ay Somaliland ku lahayd Bulshada caalamka ilaa iyo intii ay xukuumadda M\weyne Axmed Siilaanyotallada dalka la wareegay July 2010. Waxay lumiyeen saaxiibo badan oo u ololayn jiray Aqoonsiga Somaliland. Sida:
  2. 35 mudane ee Baarlamaanka Ingiriiska ee u ololayn jiray Aqoonsiga Somaliland.
  3. Waxaa xidhmay toban (10) xafiis oo aynu ku lahayn dalalka Dibedda khaasatan Afrika.
  4. Waxay xukuumaddu ku soo koobtay siyaasaddii Arrimaha Dibedda Wada-hadallada ma dhalayska ah ee Somalia oo runtii fashilmay.
  5. Waxaa si weyn hoos u dhacay kalsoonidii iyo xidhiidhkii wada-shaqayneed ee Somaliland la lahayd Dawladaha aynu deriska nahay iyo Beesha caalamkaba.
  6. Waxaa daciifay midnimadii, kalsoonidii iyo rajadii shacbiga Somaliland gude iyo Dibeddba ka qabay.

Khalad keliya uu madaxweyne qaran galo ama ilduufo ayaa dal iyo dadkiisaba burburin kara, sidii Ciraaq ama Liibiya.

Kuwa ilaawa taariikhdooda waxaa lagu ciqaabaa in wixii ay soo mareen ee dhib ahaa mar-labaad lagu ciqaabaa.

Madaxweyne, kuwii waaxyaheena kala jaray ee wadaagay sidii waraabaha, miyaad weli weheshanaysaa? SOW-DIGAN ASQOOBEE KA AMBADAY DARIIGII. HALKA MUDUCU KAA MUDAY MAR-LABAAD LUGTAADIYO CAGTU YAANAY KULA MARIN.

Madaxweye, markii aad ka soo noqotay Isu-tagga- Imaaraadka iyo Kuwait 03/05/2011 waxaad tidhi: Dalalka carabtuna ama kuwa kale ee duniduba waxay nagu yidhaahdeen arrinta aqoonsigiinu waxay taalaa midowga Afrika {AU} ama IGAD. Haddaa Madaxweyne, sow-digan xafiisyadii inooga furnaa Afrika, sida: Koonfur Afrika iyo meello kale oo badan soo xidhay. Xaalkeenu ma sidan baa:

DIB U SOCO, HORE U SOCO, HORE IYO DIBBA U SOCO,

LA’DA’ WEEYEE TAAGNOOW, MAXAA DAAL LA TARANSADAY.

Madaxweyne waxaa khudbadaadii ku taageertay Sucuudiga iyo mowqifka Jaamacadda carabta. Waxaad kaloo Cambaaraysay Dawladda IRAN. Madaxweyne Arrintaa waad ka deg-degtay!

Waakan Bayaankii Baarlamaanka Jaamacadda Carabta:

JAAMACADDA CARABTU WAXAY UGU HANJABTAY SOMALILAND:

“CID-KASTA OO KA SHAQAYSA KALA GO’A MIDNIMADA SOOMAALIYA WAANU LA DAGAALAMAYNAA.”

UMMADD-YAHAY: “MIYAANU CAQLIGEENU TOOSAHAYN TANINA WAA YAABE.”

MA DORRAAD RAADKAAN DHIGAAN DIB UGU SOO LAABTAY, SIDII AAN DAYEYSNAHAY MIYAAN DAWGII KA HABAABAY.” {ABWAAN QAASIM.”

ABWAAN FAARAX NUUR WUXUU YIDHI:

WAA DUNI LA KALA IIBSADAY OON NALA OGEYSIINE, WAA DUNI NINKAAD AAMINTAA, KUU ABEES YAHAYE, WAA DUNI XAQII OO LA ARKAYAA, LA ARJUMAAYAAYE. WAA DUNI AKHYAARTII LAHAYD, IIB KU DOON-TAHAYE.

NINKA HADDIMO TALIYOW, ADIGAA U HALIS AH.        

        

Guul iyo Midnimo – Prof. AHMED AL-AZHARI

E-MAIL: SOMALILAND_2013@HOTMAIL.COM

Mob: 063-4416456

COMMENTS
LINKS