Dhagax Aduunyada Qaali Ku ah Oo Laga Helay Somaliland Iyo Khubaro Faransiis ah Oo Soo Dalbaday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhagax Aduunyada Qaali Ku ah Oo Laga Helay Somaliland Iyo Khubaro Faransiis ah Oo Soo Dalbaday
March 30, 2016 - Written by Editor:

Hargaisa(wajaalenews)Dhagax aduunyada guudkeega qaali ku ah naadirna ah ayaa laga helay dhawaan meelo badan oo ka mid ah Jamhuuriyada Somaliland ,dhagaxan macdanta ah ayaa la ogaaday in uu ku duugan yahay buuralayda silsilada Golis ee  ku teedsan xeebaha woqooyiga Somaliland, sida uu Shabakadan wararka ee Wajaalenews u xaqiijiyay khabiir ku takhakhusay khayraadka macdanta oo lagu magacaabo Maxamed Aaden Cali.

Dhagaxan Macdanta ah oo culayskiisu dhan yahay 70 kg  laguna magacaabo Rock Show ayaa siyaabo badan looga faa,iidaystaa caalamka khaasatan wadanada hore u maray, waxaana lagu qurxiyaa qasriyada boqorada,hodheelada waawayn,munaasibadaha caalamiga ah iyo inta badan guryaha looga taliyo xukuumadaha dunida.c37fdfbd-8bdc-46d1-819a-9b0605854fca

6ca3c809-183e-4747-b4a7-20030b8bb055

 

Khabiir ku takhakhusay macdanta oo u waramayay shabkadan wararka ee wajaalenews ayaa isaga oo sharaxaya ku bilaabay hadalkiisa

“Sanadkan 2016 ayey muwaadiniin Somaliland ah ay so faqdeen, dhagaxii ugu layaabka badnaa,waxaana  miisaankiisu yahay 70kg, isla markaa u samaysan sida diyaaradaha gantaalaha xanbaara, dhagaxan oo midabkiisu kala duwan yahay midabka 1 aad midabka cirka iyo liimi iyo cadaan, dhagaxan oo adaygiisu yahay 8h marka loo eego qiyaasta lagu cabiro dhagaxan  (scale of hardness), ee lagu qiyaaso adayga dhagxanta, dhagaxan oo laga soo saaray buuraleyda woqooyiga Somaliland. Mr Mohamed ali aden oo ah qabiir dhinaca dhagxaanta iyo geography ayaa naga caawiyey macluumaadka farsamo, iyadoo dhagaxan midabkiisu khafiif yahay oo laydhku ka dhex tafayo.

waxaa dhagaxan damcay inay iibsadaan khuburo faransiis ah iyo Chinese lakiin waxa diiday muwaadiniinta ku tabcay, iyagoo rabay inay qurux ahaan u isticmaalaan oo loo dhigo museum si loogu sameeyo rock show.

wadanka ruushka ayaa 1980s beri qaaday dhagax quartz ah oo cadaan quraarad ah  oo ilaa imiga yaala Moscow museum, dhagaxaas oo aad u cuslaa lakiin u samaysnaa sida hal gantaal keliya, halka kani dhowr gantaalo badan oo isa saarsaaran. midabkuna ka duwan yahay ka hore dhagxan oo khuburadu ku macnaysa inay sidan noqon karaan ( acumarine, quartz, topaz marka qaabka adayga iyo midabada la eego, lakiin uu leeyahay mucjisooyin badan oo isdhex gal ah”.

 

Si kastaba ha ahaatee wasaarada macdanta Somaliland ayaan siyaasad cad ka lahayn hore u marinta macdanta iyada oo haba yaraatee aanay lahayn lab kii lagu ogaan lahaa macdanaha ku jira dalka waloow ay hortaagan yihiin arimo badan  oo mid dhaqaaleed iyo aqooneedba  oo ay ka mid tahay aqoonsi la,aanta dalka oo dabar ku ah siyaasada macdanta ee dawliga ah(code of mineral) oo inta badan caydhisa maal gashadayaasha caalamka.

wajaalenews

Hargaisa Office

COMMENTS
LINKS