NAGAAD NETWORK OO DEEGAANKA GOGOL WANAAG MAANTA LAGAADHSIIYAY DEEQ BIYO IYO BAAD AH. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
NAGAAD NETWORK OO DEEGAANKA GOGOL WANAAG MAANTA LAGAADHSIIYAY DEEQ BIYO IYO BAAD AH.
March 7, 2016 - Written by Wariye:

IMG_20160307_120749Arabsiyo(WJN):-Deegaanka Gogolwanaag oo ka tirsan Dagmada Arabsiyo ee Gobolka Gabilay,ayaa waxa ka jiray xaalad Abaareed oo aad uba’an taasoo aad ka naxayso dhibaatada kataagnayd,Deegaankan ayaan hore Cidi ugusoo gurman,kana gacan gaysan xaalada Abaareed ee kajirtay,

Hadaba waxa maanta Gurmad ka siwada jira ugalay,Dalada Nagaad oo ay hormood ka ahayd Waris dhoobaale oo kasoo jeeda deegaanka ah siyaasid usharaxan Xildhibaanimada baarlamaanka Soomaaliland,iyo Nimco Maxamuud Daauud oo ka mida Saraakiisha Sare ee Wasaarada Waxbarashada ahna Xubin Kamida Gudida Abaaraha ee heer Gobol ayaa waxay uqaybiyeen 100 qoys iyo Afar booyadood oo Biyo ah,waxaana halkaas ka hadashay Waris dhoobaale

IMG_20160307_135613

“waxaana kamid ahaa hadaladeedii Maata waxaanu halkan uNimid inaanu wax aanbadnayn soo gaadhsiino walaaleheen ay abaartu dhibaatada Ku haysay anagoo ilaahayna baryayna inuu Raxmaadkiisa inoo shubo”,

f26095cc-5d05-4b2a-88ec-436fa485563a

Waxakaloo halkaa kahadashay Nimco Maxamuud Daauud waxaana kamid ahaa hadaladeedii waxaynu umahad naqaynaa Walaalaheena inoo keenay Raashinka Waxaynu leenahay Ale haydinka Abaalmariyo,Dhanka kale waxay ugu baaqday xukuumada inay lasoo gaadho Mucaawimo dagdaga iyadoo Ilaahayna kabariday inuu shubo Raxmaankiisa,guntii iyo gabagabadii Deeqdan ayaa ah Deeqdii ugu horaysay ee lasoo gaadhsiiyo Deegaankan,

Shabakada wararka wajaalenews.net

Wariye Muuse Xuseen Xasan

COMMENTS
LINKS