|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawladda Turkiga oo Sahamin Maal-gashi ku Samaynaysa Madaarka Hargeysa iyo Dekedda Berbera
March 12, 2016 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews) Dawladda Turkiga ayaa usoo dirtay madaarka Hargeysa iyo Dekedda Berbera khubaro ku samaynaysa qiimayn si ay Maal-galin ugu sameeyaan, waxaanay sadexdii maalmood ee u danbeeyey ku hawlanaayeen daraasadda labadaas mashruuc. Illaa hada xukuumadda Somaliland iyo Dawladda Turkiga mid kood na kama hadal hawshan, hase yeeshee ilo wareedyo la kulmay khubarada ayaa Waaheen u sheegay in khubaradu madaarka Hargeysa ka wado qiimaynta Terminal lagau qiyaasay in uu ku kacayo shan iyo labaatan milyan oo Doolar. Sidoo kale, waxay ilo wareedku sheegeen khubarada Turkigu inay safar ku tageen dekeda Berbera, halkaas oo ay ka soo samaynayaan xog ururin la xidhiidha baahiyaha ka jira dekedda haddii ay tahay dhisme balaadhan ah iyo haddii ay tahay qalabayn. Dawladda Turkiga ayay wararka laga helayaa sheegayaan inay usoo jeedsatay Somaliland, isla markaana ay si dhab ah uga biaabo doonto mashaariicdan oo ay iyagu fulin doonaan, waxaana rajo fiican laga qabaa Turkigu inay niyad u hayaan inay maal-gashadaan Somaliland. Dawladda Kuwait ayaa madaarka hargeysa u samaysay Dhabada diyaaraduhu ka haadaan, iyadoo bixisay toban milayn oo Dolar oo wax weyn ka tartay soo jiidashada diyaaradaha kala duwan ee dunida, haddii Turkigu Terminalkan ku dara-na waxa uu madaarka Hargeysi noqon doonaa marinka ugu weyn ee ay iskaga gooshaan Duulimaadyada Caalamku. Related posts:11000 kun Oo Arday Oo Saaka Somaliland Ufadhiistay Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Dugsiyada Sare Iyo Wa... DAAWO; Heesta Xulashada Caawa Iyo Fanaaninta Codadka Dahabiga ah Leh Khadra Daahir Cige Iyo Xasan Aa... Waraysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Abwaan Axmed Saleebaan Bide, Kana Waramay Qisada Jacaylkiisii Uu... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|