Dawlada Shiinaha oo Faahfaahisay Qorshaha ay ka Damacsantahay Saldhig Milateri oo ay ka furatay Djabuuti | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Shiinaha oo Faahfaahisay Qorshaha ay ka Damacsantahay Saldhig Milateri oo ay ka furatay Djabuuti
March 26, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Dawlada wadanka Shiinaha ayaa sharraxaad ka bixisay qorshaha saldhigga shiinaha uu dhawaan ku yeeshay dalka Djibouti.

Saldhiggaas oo ciidamada badda ee dalkaasi Shiinuhu ay ku yeesheen Djibouti ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo Shiinuhu ku yeesho meel ka baxsan dalkaasi. Shiinaha ayaa sheegay in saldhiggaas aanu  uga dan lahayn isballaadhin dhanka militariga ah in uu  sameeyo, balse ujeedkiisu yahay sidii gacan looga geysan lahaa ammaanka gobolka Geeska Afrika iyo horumarkiisa.

Shiinaha ayaa in badan ku celceliyay in aanu  doonayn inuu sida Mareykanka oo kale dhigo meelo badan oo caalamka ah militarigiisa oo sidoo kalena aanu  doonayn in sidiisa oo kale saldhigyo militari oo badan uu daafaha caalamka ka samaysto.

Dhanka horumarinta gobolka ayaa waxaa laga yaabaa in Shiinuhu damacsan yahay in Itoobiya uu u fududeeyo inay hesho fursad ay ku adeegsato badda si dabadeed si sidii hore ka wanaagsan la isugu xidho ganacsiga ka dhexeeya qaaradaha taasoo horseedi karta in ganacsiga Shiinuhu sii tis qaado si fiicana ula xidhto xidhiidho dalalka  caalamka ee dadka badan ee badeecooyinka Shiinaha suuqyo wax ku ool ah u noqon kara.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan sheegasho uu Shiinuhu sheegtay inuu leeyahay marin biyood muhiim ah oo ku yaala Badda Koofurta Shiinaha ayaa ku keentay shaki dalalka qaarada Asia iyo Mareykanka.

 

 

 

COMMENTS
LINKS