Dablay Hubaysan Oo Weerartay Guriga Gudoomiyaha Xisbiga UCID Ee Gobolka Saaxil Rooda Axmed Yaasiin iyo Khasaaraha Soo Gaadhay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dablay Hubaysan Oo Weerartay Guriga Gudoomiyaha Xisbiga UCID Ee Gobolka Saaxil Rooda Axmed Yaasiin iyo Khasaaraha Soo Gaadhay
March 26, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)-Dabley hubaysan oo aan haybtooda laga garanayn ayaa habeenimadii xalay ahayd hoyga ay ka dagan tahay magaalada hargeysa ku weeraray Gudoomiyaha xisbiga UCID ee gobolka Saaxil Marwo Rooda Axmed Yaasiin oo maalmihii u danbeeyey ku sugnayd magaalada hargeysa .

Waxaana marwo Rooda Axmed Yaasiin ay sheegtay inay saqdii dhexe ee xalay ay niman hubaysan oo afka duubani ay gurigeeda kusoo weerareen isla markaana ay dhaawac gaadhsiiyeen inan ay dhashay.

Waxaana ay sheegtay inay dhaawacan gaadhay inanta uu ahaa Middi ay ku dhufteen ragaasi, intaasi ka dibna ay yaaceen.

Dhanka kalena gudoomiyaha xisbiga UCID ee gobolka saaxil waxa ay sheegtay in dhawr jeer oo hore telefonka looga soo hanjabay balse dacwad la xidhiidha arinkaa hanjabaada ah ay gaysay saldhiga dhexe ee magaalada berbera.

Ilaa hada lama garanayo dableydan iyo sababta ay gurigeeda ugu weerareen gudoomiyaha xisbiga UCID ee gobolka saaxil Marwo Rooda Axmed Yaasiin.

 

 

COMMENTS
LINKS