Daba Dheer Abaarahan , Uu Diriki Cawleed, Daba Maray Xidugihii. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daba Dheer Abaarahan , Uu Diriki Cawleed, Daba Maray Xidugihii.
March 15, 2016 - Written by Wariye:

Doorashdiina Mooyee, Dadkiiba Way Dhamaadeen, Dalkan Yaa Ka Taliyoo, Dawlad Ahoo La Waydiin,

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM.

S.C.W.R.W.B

DADKEENU MA QAADI KAARAA DOORASHO,MISE WAA HALKAAN LA DOONAYEY,

IN AY SIYAASIINTU KAGA FAA’IIDAYSTAAN WAKHTIGA ADAG EE UMMADU KU JIRTO.

1-DABA DHEER ABAARA AH, SAWKAN DIRIKI CAWLEED,

DABA MARAY XIDIGHII,DIBA MIYAA U ARAGTEEN,
DABAARA IYO CIR JIIDHII,DAYAXA U HOYDAAN,

DOOB AWR RIDAAYOO,CIRKA DEYEY MA HAYSAN.

2-DOORASHDIINA MOOYEE, DADKIIBA WAY DHAMAADEEN,

DALKAN YAA KA TALIYOO, DAWLAD AHOO LA WAYDIIN,

HADDII ODAYGI KABA DEGAY,MIYUU DUMIYEY MEESHI,

DOOBIR XUME WADAADKAN,DAN MIYUU KA LEEYAHAY.

3-DEM HADAY TAY XARUNTII,XIRSI MAA U DOONTAAN.

BAL DIB HAW SIRAADOO,HAYNOO DAARO LAYDHKEE,

DADKU BARASHO WEEYEE,DABADIIBA

LAMA FURIN,

DULMIGUNA SIDIISII,HADDII AANU KABA DARIN.

4-DUULKAN DHOOHAN  DAAWADA,DOONAYA WAXAN JIRIN,

DIIWAAN GELIN HABSAANTIYO,DOORASHADA SUGAAYEE,
DADKOODIIBA WAR U HAYN,AYAA IGAGA SII DARAN,

DALKA MIYAY KA DHOOFEEN,QOONKII INAGA DUDAY.

5-DUQBAA LOO TUMAA GEEL,MEEL HADDUU KA SOO DIDO,

DIGTOONAANTA MADASHII,DADKANI AY SUGAAYEEN,

DAALOO WAY DANAYSTEEN,DEBNAHOODU JUUQ GABE,

DAAYE HADALE WAXA JIRA,DADWEYNOOW MA GARATEEN.

6-MEE DOORKII CULIMADU,DAAYINKOOD WUXUU FARAY,

DIINTA MIYAY KA BAQAYAAN,DADKA INAY U SHEEGAN,

DAAYA AADAN SIIROO,DUXBA MALEH INTII KALE,

DULKA XAADIS MOOYEE,DADKA RUN UMMA WERIYAAN.

7-DIBNAHAY XIDHEENOO,DIB WAXAY KA NOQOTABA,

MALAHA DOORKAN LAYS BARAY,DAACADA IYO TUUGII,

DALKA WAY WADAAGAAN,DOQONKA IYO FARIIDKANA<

NINBA DUUNYADIISUU,DOORASHADA KU GELAYAA.

8-DOORKANA LAYSMA BARAN WELI,CODKA YAAD U DIIDAA,

AMA AAD LA DOONTAA,DANTOODUBA HADDAY TAHAY,

IGU DOORO REERNIMO,DIIDAYBAYGA  KHAYR BADAN,

QABIIL DAAJINTIISIYO,DIB U NOQOSHO QARANIMO.

ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.

COMMENTS
LINKS