DAAWO;Muuse Biixi Oo Aamini Waayay Masuuliyiintii Reer Allaybadday Ee La Socday Iyo Magan Sigii Wasiirkii Hore Ee Maaliyada Aabihii Oo Abuurtay Dareeno Kala Duwan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;Muuse Biixi Oo Aamini Waayay Masuuliyiintii Reer Allaybadday Ee La Socday Iyo Magan Sigii Wasiirkii Hore Ee Maaliyada Aabihii Oo Abuurtay Dareeno Kala Duwan.
March 17, 2016 - Written by Editor:

Muuse Biixi Oo Bilaabay Hirdan Siyaasadeed Ee Uu Ku Bartilmaameed Sanayo Wasiirkii Hore Ee Maaliyada Iyo filashada  ficilka Samaale!!!

ALLAYBADAY(Wajaalenews) Waftigii uu hogaaminayay gudoomiye Muuse Biixi ayaa maanta duhurkii gaadhay magaalada Allaybaday oo ka tirsan gobolka gabiley, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay waftiga gudoomiyaha oo ay safarkan  ku wehelinayeen  wasiirada deegaanka u dhashay  iyo masuuliyiin kale.

Waftigan oo maal mihii u danbeeyay lagu hawlanaa aadna loo dareemayay qabanqaabadiisa sidii soo dhawayntiisa ay ugu soo bixi lahaayeen Dad waynaha ku dhaqan magaalada Allaybaday taasi oo war war badan ay ka qabeen masuuliyiinta xisbiga Kulmiye inay waji gabax kala kulmaan isla markaana ay cabsi badan ka qabeen in ficilo ay kaga yimaadaan wasiirkii hore ee maaliyada C/casiis Maxamed Samaale oo uu hirdan siyaasadeed oo culus hore u  dhex maray xiligii duufaanta Kulmiye socotay murashax  Muuse Bixi  Cabdi balse uu markii danbe madaxwayne Siilaanyo garab siiyay Muse Biixi Cabdi,waxaanu  ficilkaasi  keenay inay xubno badan oo miisaan leh oo uu musharax u ahaa C/casiis Samaale ay ka dudaan xisbiga Lana baxaan garabka isbahaysiga dimuquraadi doonka Kulmiye.

hadaba gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ayaa wacad ku maray in hadii ay iman waayaan madashan qoyska wasiirki hore ee maaliyada aanu marnaba aamin joogida Allaybaday sidoo kale wuxuu codsaday in odayga dhalay cabdicasiis samaale  meesha hadlo si uu u aamino deeaggank oo lasheegay in uu cabsi badan ka haysay,

ARINTA MUUSE BIIXI KU XIDHAY ODAYAASHA REER ALLAYBADAY AYAA WAAN WAAN KA DIB KEENTAY IN UU GOOBTA YIMAADO WASIIRKII HORE AABIHII MUXUMED SAMAALE.SIDA KA MUUQATA SAWIRKAN IYO QOSOL GARIIRKA XUBNAHA DARBAN.

muuse biixi oo magan saday samaale aabihii

 Kalsooni daradan Gudoomiye Muuse Biixi U gaysay aabihii dhalay wasiirkii hore ee maaliyada C/casiis Samaale ayaa aad uga cadhaysiisay wasiiradii waftiga ku wehelinay oo ku taamayay in ay gacan buuxda ku hayaan dad weynaha ku dhaqan degmada Allaydaday .

Dhanka kale dadka siyasada falan qeeya ayaa arinta uu muuse biixi ku magan saday aabaha dhalay wasiirkii hore ku tilmamay in ay tahay dagaal hore kaasi oo wali muuse biixi ku raadinayo in uu shacabka tuso in samaale wax taageero ah ka haysan beesha ay ka soo wada jeedan ismarkaana xataa uu qoyskii reer samaale laftooda kasbaday taasi ay ahayd ujeedada u wayn ee meesha loogaga hadal siisay muxumed samaale,

isku soo wada duub oo siyaasada gudomiye muuse biixi ayaa u muuqata wali mid aan ka dhex bixin hirdan hoose ee beesha sacad muuse wali uu ku hawlan yahay sidii uu siyaasada uga saari lahaa xubnihii uu loolanka adagi dhexmaray halka sila goobtana fiirmo kala duwan looga soo diray wasiirkii hore ee arimaha dibada maxamed biixi yoonis.

 

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS