Daawo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Waran Cade Oo Safar Aan Ujeedkiisa La Garanayn Ugu Baxay Dalka Ethobiya +Sawiro. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Waran Cade Oo Safar Aan Ujeedkiisa La Garanayn Ugu Baxay Dalka Ethobiya +Sawiro.
March 15, 2016 - Written by Wariye:

Hargeysa(WJN):-Wasiirka wasaarada arimaha gudaha somaliland mudane Cali Maxamed Waran Cadde oo safar ugu baxay dalka itoobiya ayaa habeenimadii xalay ahayd gaadhay magaalada jigjiga ee dawlad deegaanka somalida itoobiya.
1
Waxaana wasiirka iyo waftigani ay xalay ku hoyden magaalada jigjiga ee dawlada deegaanka somalida itoobiya.

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha ayaa kulamo la qaatay madaxda magaalada jigjiga.

Waxaana warar soo gaadhay shabakada Ramaasnews ay sheegayaan in wasiirka iyo waftiga uu hogaaminayaa la filayo inay usii dhaafaan caasimada dalka itoobiya ee Addis-ababa.
2
Ilaa hada ma cadda ujeedada rasmiga ah ee wasiirka wasaarada arimaha gudaha somaliland u tagay dalka itoobiya,balse warar xog ogaal ah oo ay helayso shabakada wararka ee wajaalenews ayaa sheegaya in uu wasiirku u tagay sidii uu ugala soo hadli lahaa madaxda dalka itoobiyaxuduuddii ay  dawlada itobiya la wadaagi jirtay somaliland ay dhawaan xidhatay.

Waxii warara ee soo kordha kala soco shabakada wararka ee wajaalenews.net
34
4587

6
Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS