DAAWO MUUQAALKA; Mid Kamid Ah Dableydii loo Soo Qabtay Dilkii Taliye Casayr Oo Dhaawaciisa Lagu Dawaynayo Cusbitaalka Hargeysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO MUUQAALKA; Mid Kamid Ah Dableydii loo Soo Qabtay Dilkii Taliye Casayr Oo Dhaawaciisa Lagu Dawaynayo Cusbitaalka Hargeysa.
March 4, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)- Ciidamada booliska somaliland ayaa  soo qabqabtay 8 nin oo kamida dableydii dilka u gaysatay taliye Casayr.

Waxaana la sheegay in ciidanka booliska iyo dableydaas hubaysan ee dilay taliyaha ay rasaas is waydaarsadeen, iyada oo ay cidanka qaranku  ugu danbeyntii soo qabteen  8 nin oo kamida dableydaasi, sidoo kalena waxay ciidanku ay dhaawaceen mid kamida dableydaa.

dablay 1 dablay 2

Maxamed Cabdi Jamac ( Madax-Yar) waa mid kamida dableydii dilka u gaystay taliye casayr isla markaan ay ciidanku dhaawac kusoo qabteen, waxaana sida warar xog ogaal ah oo ay helayso shabakada Ramaasnews ay sheegayaan in dhaawaciisa hada lagu dabiibayo cusbitaalka wayn ee magaalada hargeysa.

Sido kalena waxay wararku intaa ku darayaan in kuwii kale loo taxaabay xabsiga wayn ee magaalada hargeysa. Halka ay wali ciidamada boolisku ku daba jiraan soo qabashada saddex kale oo kamida dableydaas oo iyagu baxsaday.

COMMENTS
LINKS