DAAWO: Dawlada Jabuuti Oo Si Cad u Dafirtay Jiritaanka Somaliland Dagaalkii Ciidamada Badda Dhexmarayna Ku Tilmaamtay Maleeshiyo Ka Tirsan Somalia Oo Ku Soo Xad-gudubtay Xeebtooda. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO: Dawlada Jabuuti Oo Si Cad u Dafirtay Jiritaanka Somaliland Dagaalkii Ciidamada Badda Dhexmarayna Ku Tilmaamtay Maleeshiyo Ka Tirsan Somalia Oo Ku Soo Xad-gudubtay Xeebtooda.
March 16, 2016 - Written by Editor:

JABUUTI(W,N) Telefishanka afka xukuumadda ku hadlaya ayaa habeenkii xalay war uu sii daayay kaga hadlaya dagaalkii ciidamada xeebaha Somaliland iyo Djibouti ku dhexmaray magaalo xeebeedka Saylac ee uu ku dhintay askariga ka tirsan ciidamada Somaliland.

Xukuumadda Djibouti ayaa inkirtay jiritaanka Somaliland,iyagoo sheegay in rag hubaysan saarnaayeen Markab laga leeyahay dalka Masar oo ay sheegeen inuu sharci daro kaga kaluumaysanaya badda Djibouti.

Telefishanka Dawlada Djibouti ayaa sheegay in ciidamada badda Djibouti la dagaal galay maleeshiyo ka tirsan dawlada Somalia oo ku soo xad gudbay badda Djibouti sida ay warka ku sheegeen.

https://youtu.be/gvt_KVoZg3U

COMMENTS
LINKS