Cunsuriyada Iyo Qabiil Takoorka Xisbiga Kulmiye Wuxuu Ku Abtirsaday Oo ay isku Mid Yihiin Xisbigii ka Talin Jirey Dalka (South Africa) Xiligii Gumeystuhu heystey. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cunsuriyada Iyo Qabiil Takoorka Xisbiga Kulmiye Wuxuu Ku Abtirsaday Oo ay isku Mid Yihiin Xisbigii ka Talin Jirey Dalka (South Africa) Xiligii Gumeystuhu heystey.
March 5, 2016 - Written by Editor:

Tusaale waxa ah markii Axmed Siilaanyo ka tanaasuley tartankii Doorashada waxay ahayd ama Dadku eegayeen in ku xigeenkiisa oo Ah Seylici noqdo murashaxa Jagada m/weynaha ee xisbiga

Kulmiye,

Hase yeeshee sidaa wax u may Dhicin, sidii Axmed Siilaanyo uugu Tala galay ayey u dhacday,

Arintuna maaha mid iska timi modo Hore ayuu Seylici ogaaladay Inaanu dhaafin ku xigeenimada Xisbiga Kulmiye waana sababtii Keentey in Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Lagu bedesho Seylici,

Waayo mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali maaha nin lagula dhici karayo Ku xigeen ma dhaafeysid, ama ma Geydid kursiga murashaxa jagada

M/weynaha ee gudaha xisbiga Kulmiye, waxa kaloo inoo muuqata Xataa hadii Muuse Biixi meesha ka Baxo ninka imanayaa inuu yahay Maxamed Kaahin, isla markaana Seylici halkaa dhaafi karin,

Waxa intaas raacda, waxa dadka Qaarkood is weydiiyaan hadii Axmed Siilaanyo meesha ka baxo Inta aan doorashada la gaadhin

Seylici muxuu noqonayaa?

Sida distoorku dhigayo Seylici Wuxuu noqonayaa m/weynaha Dalka waxaanu baarlamaanka ka Soo qaadanayaa xubin u noqota

M/weyne ku xigeen,

Waxase Seylici ahaanayaa marka la Eego dhanka xisbiga Kulmiye iyo Tartanka doorashada Seylici

Wuxuu ahaanayaa m/weyne u

Tartamaya m/weyne ku xigeen.

Runtiina anigu hore uumaan arag Manaan maqal m/weyne u tartama M/weyne ku xigeen,

Waxaanay cunsuriyada xisbiga Kulmiye ka jirtaa tilmaamaysaa in Cid gaar ihi iska leedahay isla Markaana aanay cid kale geyin

Jagada murashaxa m/weynaha

Ee xisbiga Kulmiye.

MUJ Cali cismaan cali xaraaro

COMMENTS
LINKS