|
|||||
WAJAALE NEWS
CALI WARAN CADOW HAGAR DAAMADA, AAD KU HAYSAY DAGMADA ARABSIYOOD WAA LAGA BIXI DOONAA.
March 22, 2016 - Written by Wariye:Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Cali Waran Cade ayaa taariikhdiisa intii uu joogay Wasaarada Arimaha Gudaha wuxuu Ku suntamay inay baaba’do Dagmadii Arabsiyo oo runtii ahayd Dagmo,waxsoosaar taasoo dhibta ugu wayni ay Marqudha kaga timid Maamulkii Magaalada oo Ku Suntamay Musuqmaasuq iyo baabiin ay meesha ka baxday Nidaankii Dawladnimo oo aanay haba yaraatee lahaynba Waxlagu tilmaamo Maamul,Markaan sidaa leeyahay Maaha inaan Baal marayo Sharciga ee Kolkaanad arkaynba maamul aan meelna loogu hagaagayn xafiisyo xidhan oon lafurayn iyo laxisaabtan la’aan ka timid wasaaradii arimaha gudaha oo rabta inay baabado Dagmadii waxsoo saarku,Markay halkaa marayso bulshada karaamada le ee Ku dhaqani Magaalada ayaa baaq udiray wasaaradii Ku shaqada lahayd oo uu waran cade kowka yahay isagoon waxjawaaba ka bixin cabashadaa Dadwaynaha reer Arabsiyood,Iyadoo loo jeedo Dagmada Wajaale oo ay wasaaradu intaasoo Maamul ka badashay lagulana xisaabtamo waxqabad la’aanta Maamul iyo sida dhagaha looga furaystay Dagmadii arabsiyood oo aan loo kala hadhin in maamulkii Magaaladu uu baabiiyay haykalkii dawladeed,waliba sibadheedhana uu meesha ugaba saaray xilkii saarnaa oo ay gurmad ubaahantahay,laakiin wasiir Cali waran cade wuxuu muujiyay siduu colka ula yahay Arabsiyo,iskusoo wada duuboo Arabsiyo waxay gurmad uga baahan tahay halka Dalka ugu saraysa,aakhirkana lagu rajo wayn yahay inuu Madaxwaynu waxka qabandoono dhibkaas, COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|