Bulshada Reer Somaliland Oo U Dhegtaageysa Saleebaan(guurtida) Ku Dhexdhexaadinayo Khilaafka Xisbiga Ucid Ee Faysal Xudunta U Yahey Sidii Uu Hogaanka Kulmiye iyo Madaxweyne Siilaanyo U Dhexdhexaadiyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Bulshada Reer Somaliland Oo U Dhegtaageysa Saleebaan(guurtida) Ku Dhexdhexaadinayo Khilaafka Xisbiga Ucid Ee Faysal Xudunta U Yahey Sidii Uu Hogaanka Kulmiye iyo Madaxweyne Siilaanyo U Dhexdhexaadiyay
March 29, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)-Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa maalmahan siweyn looga filayey in uu duubka u xidho dhexdhexaadin doorkii Golaha Guurtida ah oo uu ku dhex galo Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid khilaafka uu xudunta u yahey Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo isagu weerar gaadmo ah oo docbeydhsan ku khiyaameeyay Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen,oo isagu ku noqdey luqmatal-xajar aanu geed ismarin kaga waabsan karin.

SALEEBAN

Hadalhaynta arintan oo siweyn looga dareemayay ilaa shaley,Caasimada Somaliland ee Hargeysa iyo Gobolada kale ee dalka ayaa soo baxdey kadib markii uu Gudoomiyaha Guurtida Somaliland ka damqadey hadal uu ka dhageystey Laanta Afsoomaaliga ee Idaacada BBC da hadalkaas oo ku sahabsanaa Wareysi Faysal Cali Waraabe(Gudoomiyaha Ucid), iyo Jamaal Cali Xuseen(Murashaxa Xisbiga ee Jagada Madaxweyne) mid walba dhinaciisa kaga hadley doodiisa ku wajahan khilaafka dib u curtey, kaas oo Gudoomiyaha Guurtidu kaga go,aan qaatey halka lakala taagan yahey islamarkaana, ay lagama maarmaan tahey in Guurtidu doorkooda ka qaadato. Inkastoo aanu jirin hadal toos uga soo baxey Gudoomiyaha Guurtida oo ku sahabsan badbaadinta Xisbiga Ucid iyo saameynta uu khilaafkani ku yeelan karo, hadana sida ay Wajaalenews u xaqiijiyeen ilo xogogaal ahi go,aankani waxa uu wakhti xaadirkan ka go,an yahey Gudoomiyaha Guurtida in ay dhexdhexaadin culus ka galaan Khilaafka Xisbiga Ucid oo saameyn culus kuyeelan doona  doorka Geedi Socodka Siyaasada Somaliland, iyo waliba in aaney dhexdhexaadinta Guurtidu ku koobnaan kii ay ku dhexdhexaadisay Hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo waliba kii u dhexeyan jirey Shirgudoonka Wakiilada iyo Xildhibaanadii Xisbi Xaakimka Kulmiye.

 

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo isbadbadel badan iyo wajiyo Siyaasadeed oo daneysi u badan lasoo baxey mudooyinkan dambe Faysal Cali Waraabe ayaa isagu siweyn uga walaacsan in Guurtidu doorkooda ka qaadato Khilaafka uu musdambeedka u yahey ee Xisbiga Ucid.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS