AWDAL: Dad Mar Kale Gaajo iyo Harraad Ugu Dhintay Deegaanka KAXDA & Hooyooyin Dhabarka Ku Sida Carruur Gaajo La Ooyaya Oo Farriin Dhiilleysan Soo Diray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
AWDAL: Dad Mar Kale Gaajo iyo Harraad Ugu Dhintay Deegaanka KAXDA & Hooyooyin Dhabarka Ku Sida Carruur Gaajo La Ooyaya Oo Farriin Dhiilleysan Soo Diray.
March 30, 2016 - Written by Editor:

Abaarta Muddo Dhaaftay Oo Ka Sii dareysa Iyo Dadweynaha Magaalada Boorama Oo Shalay Tukaday Salaad Roob-doon Ah

BORAMA(Wajaalenews)  Abaarta ka jirta Deegaannada Galbeedka Somaliland ayaa ka sii dareysa, Maaddaama oo ay dhaaftay Wakhtigii Eebbe looga bartay inuu Da’o Raxmaadkiisu, taasina waxay keentay in meelaha qaarkood Dadku ugu Geeriyoodaan Gaajo iyo Harraad ka dhashay Abaarta muddo dhaaftay.

caruur gaajaysan 1

Deegaannada ay saamayn xun ku yeelatay Abaartu, ayaa waxa ka mid ah Deegaanka Kaxda ee ka tirsan Gobolka AWDAL, halkaasi oo ay Qudh-baxeen laba Ruux oo Waayeel ah, markii Xoolihii Abaartu ka qaadday, Biyo iyo Baad kalena waayeen, sida uu sheegay Wariye Shalay halkaasi booqday.

Deegaankaas oo Shalay Masuuliyiin Biyo iyo Raashin Gurmad ah sidaa tageen, ayaa Muuqaalladii laga soo duubay waxaad ka dheehaneysaa Dad iskugu jira Waayeel, Dhallinyaro iyo Dumar qaarkood lamaan yihiin, kuwaasi oo dhammaantood ay dushooda ka muuqata Diif ka dhalatay Harraadka iyo Gaajada haysata, halka Carruurta yaryar ee Dhabarka lagu sido ee la waayay wax lagu habo ama Afka loo geliyaa Oohin miciinsadeen.

Muuqaalka laga soo duubay Dadkaasi oo Wargeyska Himilo ka soo naqilay Warkan, ayaa waxa ka muuqanaya Haween Da’ ah oo Xaaladda Nololeed ee ay ku sugan yihiin aanu Qalinku suureyn karin.

Haweenkan oo qaarkood Dhabarkooda ay ka Ooyayeen Carruur yaryar, ayaa sheegay in laba Qof oo Da’ ahi deegaankooda ugu dhinteen Gaajo iyo Harraad, sida uu sheegayo Wariyeha soo duubay muuqaalkan oo Sawir ka bixinaya Xaaladda, isagoo Tilmaamay in Dadka halkaasi ku dhaqan Laftoodu khatar ugu jiraan inay u Geeriyoodaan Biyo la’aan, sidaa daraadeedna ay Bulshada Somaliland ee ILAAHAY wax siiyey iyo Xukuumadda ka codsadeen in Gurmad deg-deg ah lala gaadho.

“Xoolihii dhexda ayay nagaga soo dhammaadeen, Gurigan itaalbaa naga kicin waayay, Biyo-na nooma dhawa, Wax Taakulo ah oo Dawlad ama Cid kale nooga yimidna ma jiro.” Ayuu yidhi, mid ka mid ah Dadka Deegaanka Kaxda ee Warbaahinta la hadlay, ka dib markii loo qaybiyey Midh-Midh Roodhi ah.

“Xoolihii Dhexda ayay nagaga bakh-bakhtiyeen, Dadkiina waa Badh Dhexda ku soo dhintay, Badh soo tukubaya iyo Badh halkan jooga (Kaxda).” Ayay tidhi Mid ka mid ah Hooyooyinka halkaa ku sugnaa oo Dhabarka ku haysay Ilmo yar oo markii uu Oohin qabsday uu Qof kale oo ag-taagnaa ku yidhi, “Aamus, waata lagu siiyee (Roodhida).

Dhanka kale, Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka AWDAL, ayaa Shalay laga Tukaday Salaad Roob-doon ah oo ILAAHAY lagaga baryey inuu Raxmaadkiisa u shubo Addoomihiisa Abaareysan.

COMMENTS
LINKS