Agaasimaha Horncable oo Weererro Dhinaca Baraha Bulshada Nugu Dhex Maray Awgeed Iigu Sheegay in Aan Xubin ka Ahay Al-shabaab! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Agaasimaha Horncable oo Weererro Dhinaca Baraha Bulshada Nugu Dhex Maray Awgeed Iigu Sheegay in Aan Xubin ka Ahay Al-shabaab!
March 17, 2016 - Written by Editor:

Qoraa Cabdinaasir Axmed Ibraahim

“Deg deg ;Sirdoonka Itoobiya oo Somaliland uga Digay Mid ka mid ah Al-shabaab oo Ku Lug Lahaa qaraxii Djibouti iyo Warran-cadde oo difaacay…” Sidaa waxa mareegtiisa ku daabacay agaasimaha Horncable. Intiinii la socotay arrintan na dhexmartay aniga iyo Agaasime Maxamed waxa ay ka curatay, codsi aan 40 qof ku rabnay oo aan agaasimaha kaga codsanaynay in uu Duqa caasimadda nuugu soo casuumo barnaamijka uu daadihiyo ee ka baxa muuq baahiyaha Horncable lana magac baxay (Qanci dadkaaga)

Tan iyo markii aan ka war helay in qoraalkan been abuurka ah la iga baahiyay, waxa     aan la xidhiidhay wasaaradda arrimaha gudaha, garsoorka iyo C.I.D-da. Marar dhowr ah oo ergooyin uu ii soo diray Agaasimaha Horncable waxaa iiga muuqatay in uu sheeganayo in uu awood badan ku leeyahay Somaliland madax badanna ku xidhan yahay, isla markaa aan sharcigu waxba ka qaban karin. Waan ka garaabay jiritaanka awoodaha uu sheeganayo, waxaana marag iiga ah, in markii xiddigaha Geesku ay ka soo heeseen Muqdisho xabsiga lagu guray, markii uu Agaasimuhu magaca saxaafadda Somaliland kaga qayb galay shir muqdisho ka dhacayayna in la xidho iska daa’e Garoonka ayaa ba lagu soo dhaweeyay!

Awoodaha uu isku hallaynayaa ma waxa ay noqon doonaa qaar ka yimaadda dhinaca Maayarka? Ma waxa ay noqon doonaa qaar uu ka filayo walaalnimada Guddoomiyaha Maxkamadda Mud. Aadan Xaaji Cali iyo Mulkiilaha Horncable Farxaan Xaaji Cali. Mise qaar  kale oo ka yimaaddo habrasho laga habranayo in Horncable uu ciddii agaasimaha wax ka qaban lahayd hadhow dhalleeceeyo. Dhammaan weydiimahan is barakan, wakhtiga ayaa ka jawaabi doona.

Cabdinaasir Axmed Ibraahim; Anigoo ka mid ah dadka qoraallada dhalliisha ah ee ugu badan xukuumaddan ka qora, sidaas oo ay tahay waxaa an rajo weyn ka qabaa in aan caddaalad ka heli doono, garsoorka Somaliland oo dhowaan loo dhiibay nin dhallinyar ah oo dadkuna ku diirsadeen garrihii ugu horreeyay ee uu sida caddaaladda ku dhisan u qaaday.Tanna waxa ay noqon doontaa hal xidhaale cusub oo hor yaal guddoomiyaha maxkamadda Mud. Aadan Xaaji Cali.

Qoraalka lagu baahiyahay Mareegta uu leeyahay Agaasimaha Horncable kaliya sharaftayda ma dhaawacayso ee sidoo kale waxa ay dhaawacaysaa sharafta Qarankan, nuxurkeeduna waa in Somaliland ay tahay goob ay Al-shabaab kaga duusho dalalka jaarka, taas oo qarannimada dhabar jab ku ah. In Wasiirka arrimaha gudahu uu xubin al-shabaab ka tirsan oo sirdoonka Itoobiya u soo sheegeen uu u qaban laayahay adeernimo awgeed!

In been abuur laga sameeyo Sirdoonka Itoobiya oo aan wax warqad ah oo arrintan ku saabsan aan u soo dirin Wasiirka arrimaha gudaha, tan lafteeda uu caddaymo uga  baahan doonta mulkiilaha mareegta warkan lagu baahiyay Maxamed Ilig.

In Sirdoonka Djibouti aanay ka war qaban Cabdinaasir oo al-shabaab ka tirsan. Kolay ciidan ka sirdoonka Djiboutina waxa ay u baahan doonaan meesha uu ka keenay xogaha dheeraadka ah ee xataa aanay ciidan ka sirdoonka ee Djibouti ee aad ka u dhisan hayn!

“Dhadhaab kasta oo ay I hor dhigaan kuwa runta neceb ee ku heshiiyay xaq-darrada iyo xatooyadu, waan ka gudbi doonaa.Waxaa barbarkayga taagan oo kulamo na dhex mareen, 40 qof oo haldoorka Somaliland ka mid ah iskuguna jira abwaanno, qoraayo, sharciyaanno iyo suxufiyiin oo ah dad aan lacagtu jarin, oo aan la iibsan karin. Intiina kale aan filaayo in I garab istaagi doonaana waxa aan ka soo wada xidhiidhaynaa; 0634248569”

Suxufiyiinta faraha badan ee ila soo xidhiidhay iyo warbaahinta kale ba hadda halka uu kiiskaygani ku biyo shubto waynu kala war hayn doonaa.

WAYDIINTA AH CABDINAASIR WAA KUMA? DADWEYNAHA AYAAN U DHAAFAYAA.

 

COMMENTS
LINKS