Abwaan CASHUUR oo Tix Kooban Kaga Jawaabay Xatooyadii Uu Wasiir Caddaani Ku Eedeeyey Hawl-wadeennada Wasaarada Warfaafinta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Abwaan CASHUUR oo Tix Kooban Kaga Jawaabay Xatooyadii Uu Wasiir Caddaani Ku Eedeeyey Hawl-wadeennada Wasaarada Warfaafinta
March 21, 2016 - Written by Editor:

“Wasaaraddaa camiran rag iyo dumar ciidan iyo rayidba, Caqligaagu waa kaas ku yidhi wada cambaareeye, Cidaad tahay sidaas uma dhaqmaan Ina Caddaanoow!!!” -Abw. C. C. Cashuur

“Waxa Wasaaradda Warfaafinta Ka Dhacay Fal-dambiyeed Lagu Jabsaday Qasnadda TV-ga Qaranka”- Wasiir  C. C. Caddaanicadaani

Abwaan Cabdiraxmaan Cumar Cashuur oo markii shalayuu wasiir Caddaani shirka jaraaid ku qabtayxafiiskiisa, kadib xalay curiyey tix gaaban oo uu ku cabirayo sida ay uga xun yihiin in wasiirku fadeexadeeyo shaqalalihiisa isla markaana uu ceeb u soo jiido, ayaa hungo madhan ku tilmaamay magacaabistiisa oo uu sheegay in ay hore ugu han weynaayeen. Tixdan afarrayda ah oo uu Abwaan Cashuur  soo gaadhsiiyey Warbaahinta ayaa udhignayd sidan:

cashuur-

 

Caantaynno Lumay dhibi ka badan, la Carrabaabaaye

Cidaad tahay sidaas uma dhaqmaan Ina Caddaanoowe

Ceebaysay Habar-yoonistii, cududa weyneyde

Wasaaraddaa camiran rag iyo dumar ciidan iyo rayidba

Caqligaagu waa kaas ku yidhi wada cambaareeye

Cirradaadanaa lagu dagtee, show cidlaad tahaye

Caynkaagan uunku uma diro kaalintaa culuse

Waxse na caayay madaxweynahaa kuu cumaamaday.

COMMENTS
LINKS