AABE XUME IYO AGOONBAA HADHAY. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
AABE XUME IYO AGOONBAA HADHAY.
March 14, 2016 - Written by Wariye:

Cidkasta oo aduunka ku nooli waxay sugaysaa ama rajaynaysaa in ay maalin uun wax isku badali doonaan, naftooda ,dalkooda iyo waliba mustaqbalkood, oo ay arkan siday yihiin si ka duwan oo uga wanaagsan nolosha, sidaasi dartee waxaan og nahay dalkasta oo dunida ka mid ah in uu isbadalay mar kaliya xagwalba oo ay ku dhaceen isbadalo noloshooda saamayn wayn ku yeeshay, waxaana sabab u noqday dadmuwaadiniin ah oo dalkooda iyo dadkoodaba ka naxaaya oo isbadal dhab ah raadinaaya,isla markaana qiiro iyo waadinimadu ka muuuqato kana xoroobay xanuunadan

  1. Qabyaalada
  2. Ninjeclaysi
  3. Maal aduunyo.
  4. Dano gaara

Waxaanay noqdeen dad taariikhdu in badan xustay, run ahaan tiina la yimid is badal dhab ah oo la arkaayo, umadoodiina horumar gaadhsiiyey , gartayna siday dantu ku jirto.

Hadaba dalkasta oo dunida ka mid ah mar ayey wax iska badaleen, qaarna imikaabu ku socdaa isbadal la arki karo oo muuqda , danta laga leeyahayna waa in si wada jir ah loo guulaysto.

Taasina waa ta dalka iyo dadkaba micno u samaynaysa, ee qofkastaa ku qanacsanaankaro dalkiisa una arkayo in aanu jirin dalkisa dal lamid ah oo dunida laga helikaro, mustaqbalkana la arki doono, boqolaal muwadiniin ah oo dalkooda iyo dadkoodaba jecel.

Hadaba su aashu waxay tahay:

  1. dalkeena halkay wax iska badalayaan?
  2. maxaa labadalayaa?
  3. Yaa u baahan isbadalka dhabta ah?
  4. Yaa wax badalaaya ?
  5. Ayeyse u muuqataa in ay wax kabadali karaan dalkan, oo hiil iyo hooba lala garab is taagi karaa?

Hadaba gunta iyo gunaanadku wuxuu yahay, si aynu su’aalahan jawaabtooda loo helo. imika maxaa ka socda dalka, halkayse wax marayaan?

Imika maxaa ka socda dalka ?

dalka waxaa ka socda sadex arimood aa kale ah

  1. Sheekada citiraafka iyo caalamkaanu xidhiidho la samaynay
  2. Qabyaalad
  3. Dano ugaara

Sheekada citiraafaka iyo caalamkaan xidhiidh lasamaynay

Sheekada citiraafka iyo caalamkaan xidhiidh lasamaynay waxay noqotay sheekada ugu caansan dalkeena Somaliland isla markaasna socotay mudo 25 sano ah ilaa hadana wax la sheego oo muhiim ah aan laga hayn, caalamka iyo citiraafka toona, taas oo ay waliba si yaasiyiinta iyo nimanka wadanka ka taliyaa ilaa hada ay sii wadaan sheekadaa, oo ka dhigteen meesha kaliya ee ayna ilaa hada ayna kadaalin, taasi oo dhab ahaan beena oon waxba ka jirin, haday jirtana aan wax micno ah dadka dalkan kunool u samaynayn, oo imika aan ubixyey sheekadii siyaasi quute, isla markaana dhalinyarta wadanka markasta rajo iyo yididiilo aan waxba ka jirin lagu beeraayo, oo sababtay in boqolaal dhalinyar ahi dalkan iskaga tagaan, markay arki waayeen wax isbal ah oo u soo socda, meel uu ka iman karo iyo cid dantooda malin kaliya ka hadlaysa toona, waana taa ta ay uga doorbideen in ay ku noolaadaan dal shisheeye oo ay dalkooda ciil iyo cadho ayagoo ay ka muuqato isku tuuray bad waynta ayagoon garanayn meel ay ku socaan iyo cid ay u tagayaan toona, markii waxkasta oo umadi qabsan karto lagu xidhay citiraaf iyo caawimo shisheeye oo la helo, taasina waxay hakisay firkii umada iyo dadaalkoodii ahaa iskaa wax u qabso.

Hadaba citiraafka iyo xidhiidhadhka caalamku waa wax loo baahan yahay, ee su aashu waxay tahay.

  1. Ma wakhti ku filan ayeyna helin siyaasiyiintu ?
  2. Wakhti intee leeg ayeyse u baahan yihiin si ay gunta u soo taabtan?
  3. Halkeese citiraafka laga helayaa yaase bixin kara oo qudha?
  4. Citiraaf la’aan waxba lama qabsan karo miyaa?

Jawaabtu waa Xagiina.

QABYAALAD ( anagoo ah beesha reer hebaloobay )

Qabyalada waa la wada garanayaa xumaanteeda, ee waxaynu ka hadlaynaa, yaa wada, yaase dabar goyn kara Qabyaalada.

waxaa wada dadka inta wax haysata iyo inta xil umada u haysa, ku waasi oo meesha ka saaray dadkii danyarta ahaa ee loo baahnaa in noloshooda kor loo soo qaado,

Haday shaqo soo baxdo waxaa helaya ina wasiir iyo ina aabe wanaagsane, kaliya waxaa so hadhay ina aabe xume iyo agoon, taasi oo niyad jabku keentay dhalinyartii wadanka wax usoobaratay, ubaranaysay iyo ku wa usoo baxaayaba.

Waayo imisa dhalinyar ah oo wax bartay ayaa soo baxay oo maqaaxiyaha fadhiya, markay arki waayeen meel aliyo meel ay ka bilaabaan nolosha, waa dadkii loo baahnaa in ay dowladu jahayso.imisaa kabaxay wadanka, imisa waashay.

Waxay madaxdeenu ka sheekeeyaan jabkii wadanka lo soo maray iyo mujahidiintii wadanka usoo jihaaday. Ee maynu arag cidkaliya oo ka hadasha muhaajiriinta mudo 25 sano ah wadankan ka sii haajirayakuwa,kowa waalan ee siday u fikirayeen nolosha ka dhacay iyo kuwa habeen iyo maalin maqaaxiyaha ku qayilaaya ee noloshoodii noqotay siroo.

Intee badan intii siyaad bare inaga dilay iyo inta dalka ka maqan laga soo bilaabo 1988 ilaa manta. Jawaabtu way cadahay.

Waxaad arkaysaa 25 jir hooyadii xabuub iibiso ama meelahaa masaxdo oo jaamacada kaga bixiso, kharashka ka soo gala, malintuu dhameeyana garanla meel aliyo meel uu qabto, markay timuhu ku baxeen ee uu wax uu qabto iyo cid uu u shaqeeyo toona garan waayey hooyadii dib u waydiinaaya 3000 oo shilinka si uu timaha iskaga xiiro,waana laba mid uun Inuu agoon yahay iyo in uu abaabihii lahayn magac iyo maaltoona.

Dadka garanaaya dawladnimada ama arkayba markaad waydiiso sharafta uu lahaa ardayga, Askariga iyo shacabkuba wakhtigii Somalia iyo manta waxay isku yihiin if iyo aakhiro.

Hadaba siyaasi adigaa umadan u wax garad ah, u aqoon ah, u indho ah, u dhago ah, ee ma wakhtigaa kugu yar, maxaynu u hoos marnay 25 sano ka hor halkaynu taagayn.

DANO GAARA

Waa wax aan aduunku inala qabin in uu qofkaliyi manaafacaad sado umadu waxay wada lahayd, taas oo caan noqotayba imika ilaa ay gaadhay heer laysku dhiiri galiyo, layskuna yidhaa waar wax ka qabso intaad joogto.

Ma laga filayaa qofka sidaa lagu leyahay in uu cid wax uqabto iyo in uu dalka horumar gaadhsiiyo.

Jawaabtu waa maya, wana sababta keentay in shaqsi kasta uu manta ka shaqaynaya masaalixda guud ee dawladnimo uu uga fikiraayo shaqo kasta oo uu qabanaayo maxaa gaara ee iigu jira. waana tii uu mushaharka ku qaadanaayey.

waxaa isku danaysta waa siyaasiga, ganacsadaha iyo inta xil umada u haysa, waxaa laga saaray dadkii danyarta ahaa.

Yaa u maqan dadkaa iyo dalka?

GUNAADA

Dhalinyarooy waad arkaysaan dalka iyo dadka haysta ee maxaa inoo yaala cida ay waxka baaba ayaan waa inaga haday noqoto wadanka iyo mustaqbalkeeniiba .

Ee nimanka wadanka haystaa waa 60 jiro waanay dhamaatay wakhtigoodii, ee waxay ahayd in ay inoo jeexaan jid wacan oo aynu marno hase yeeshee may samayn oo waad arkaysaan, kaliya maalinta uu siyaasi baahan yahay waa malinta xilka uu u tartamaayo iyo maalinta xilka laga eryo.

 

Email: Hamse_d143@hotmail.com

COMMENTS
LINKS