|
|||||
WAJAALE NEWS
Kulanka Saamilayda Shirkadaha TELESOM GROUP Oo Ka Dhacay Hargeysa +Sawiro.
March 14, 2016 - Written by Wariye:Hargeysa(WJN): – Waxa lagu qabtay shalay Magaalada Hargeysa (13th March, 2016) xaflad ballaadhan oo ay isugu yimaadeen Saamilayda Shirkadaha Telesom Group, oo ka kooban Isgaadhsiinta Telesom, Baanka Daarasalaam, Shirkadda Gaaska Cuntada ee SOMGAS & shirkadda korontada ee TEC. Kulankaasi oo ka dhacay Hotel Guuleed ee Magaalada Hargeysa waxa ka soo qayb-galay boqolaal ka mid ah saamilayda shirkadda Telesom, kuwaasi oo ka yimid Gobolada dalka oo dhan. Waxa kale oo kulankaasi ka soo qaybgalay qaar kamid ah Golaha Maamulka Telesom Group & Masuuliyiinta sare ee Shirkadaha ka farcama Telesom. Ujeedada kulanka ayaa ahayd Is xog-waraysi ku saabsan waxyaabaha shirkadda u qabsoomay iyo waxyaabaha qorsheysan sannadaha soo socda in laga midho-dhaliyo. Mr. Cabdikariim Maxamed Ciid, oo ah Maamulaha Guud ee Telesom Group, oo kulankaasi ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa: “Waxan u mahadnaqayaa Illaahay (swt) oo fadligiisa inagu siiyay guulahan aynu gaadhnay. Waxa inoo qorsheysan in aan sannadkan soo kordhino adeegyo cusub oo wax weyn ka tari kari doona ganacsatada oo ay kula socon karaan dhaq-dhaqaayqada ganacsigooda; kuwaasi oo iyada oo aanu kharash kaabayaal (infrastructure) ka gelin ay isticmaali karaan & adeegyo kale oo teknoolajiyaded oo casri ah oo sannadka badhtankiisa la daahfuri doono.” Mr. Abdikarim waxa uu saamilayda kala hadlay shirkadaha dhowrka ee shirkadda Telesom ay maalgelisay, waxana uu yidhi: “Waxaa inagu kelifay in aan shirkadaha kale maalgashi ku sameyno. Waxaynu rabnaa in aan maalgelino markastaba majaal cusub oo aan hore loogu jirin sida SOMGAS iyo Darasalaam Bank; oo hore aan dalka uga jirin baahi weyna loo qabay.” Guddoomiye Cabdikariim, isaga oo sii faahfaahinaya ganacsiyada cusub ee dhowaan ay shirkaddu bilaabi doonto kuwaasi oo wax weyn ka tari doona dhaqaalaha wadanka waxa uu sheegay in la hirgelin doono Terminal (kaydka gaasta) ugu weyn Geeska Afrika oo laga sameyn doono Berbera, kaasi oo wax weyn ka tari doona tamarta wadanka. Waxana ay socotay daraasadoodu 2 sannadood. Waxana uu sheegay in ay rajeynayaan in kaydkaasi uu ku filnaan doono dalka iyo wadamada jaarka ahba. Ugu dambeyn, Maamulaha Guud ee Telesom waxa uu dardaaran u jeediyay saamilayda Shirkadda, waxana uu yidhi; “Shirkaddu waxay ku socotaa horumarin shaqo qabad, curinta teknoolajiyado casri ah iyo hanashada macmiilka. Sidaas darteed, saamilaydana waxa laga rabaa in ay doorkooda qaataan, waxana ugu muhiimsan in ay noqdaan safiiro, si loo wada xaqiijiyo ahdaafta aynu leenahay. Isla markaana wixii talo & tusaale ah loo soo gudbiyo xafiiska Xidhiidhka Saamilayda.” Sidoo kale, waxa kulankaasi ka hadlay Maamulaha qaybta Isgaadhsiinta Telesom, Mr. Ciise Maxamuud Faarax, waxana uu si faahfaahsan uga warramay adeegyada kala duwan ee ay shirkadda Telesom bixiso; oo ah kuwo gaadhsiisan wadanka oo dhan. Waxa kale oo Mr. Ciise ka warramay horumarka ay shirkaddu ka sameysay dhinacyada teknoolajiyadda, ballaadhinta network-ga shirkadda & horumarinta adeegyada bulshada. Ciise Maxamuud,oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi:– “Shirkadda Isgaadhsiinta waxa hoos yimaada saddex qaybood oo muhiim Adeegyada Maaliyada, qayb ka mid ah Korontada, Xawaaladda Zaad iyo isgaadhsiinta. Waxa ay ka hawlgashaa 349 xarumood oo wadanka oo dhan ah.” -“Technology isbeddel xoog leh ayay ku socotaa. shirkadduna arrintaasi iyada oo ka dhabaynaysa marwalba waxa uu keenaa isgaadhsiinta ugu dambeysa ee mujtamacu u baahan yihiin,” ayuu yidhi Ciise. Maamulaha qaybta Isgaadhsiinta ee Telesom, waxa uu sheegay in ay shirkaddu wadanka ka hirgelisay adeegyo magac wanaagsan u soo jiiday wadanka sida ZAAD. Waxa uu yidhi: “ZAAD waxa uu shirkadda u keenay sumcad weyn. Mulkiilaha Microsoft ayaa tilmaamay in uu jiro shirkad Somaliland ka jirta oo soo bandhigtay adeegga ZAAD Services oo wax laga baran karo.” Ciise Maxamuud, waxa kale oo uu sheegay in shirkadda Telesom ay lafdhabar u tahay shaqaale xirfad & ammaano leh, kuwaasi oo ay shirkadduna tixgeliso isla markaana ay siiso dheefo ku xidhan wax-soo-saarka shirkadda haddii ay noqoto mushahar & dhiirigelin kaleba. Sidaas darteed, shirkadda Telesom waa ; “”Aan u cuno, aan wada cuno, aan wada lahaano,” ayuu yidhi. Ugu dambeyn, Ciise oo la hadlayay saamilayda waxa uu yidhi; “Qof walba wuu garan karaa waajibaadka shaqo ee ka saaran maalkiisa. Waxan ku talin lahaa in aan ilaashano naas-weynta Telesom. Waxan odhan lahaa Faa’iidada soo baxda shirkadda wax kaga soo celiyaa; oo isticmaala adeegyada shirkadda, sumcadeedana ka shaqeeya. Adeegyada shirkadda haddii ay tahay Baanka, Gaaska iyo Korontadaba ha la isticmaalo.” Guddoomiye Ciise waxa uu sheegay in Telesom ay leedahay xafiis la yidhaahdo “Riqaaba Sharciyah”. Shirkaddu waxaan loo kitaab dayin oo aan culimadu soo marin lama hirgeliyo. Ciise, isaga oo ka warramayay guulaha ay Telesom gaadhay waxa uu sheegay in shirkaddu ay ku guuleystay in ay noqota shirkadda keliya ee awooday in ay wadanka dhammaantii buur iyo bannaanba ay gaadhsiiso internetka, si loogu hirgeliyo hawlaha Diwaangelinta. “Sidaad Telesom saamile uga tihiin, ayaad Daarasalaam Bank saamile uga tihiin. faa’iidada aad ka soo baxdana qayb ayuu ka yahay,” ayuu yidhi Mr. Maxamed Ibraahim, maamulaha Darasalaam Banka. Waxa kale oo Mr. Maxamed Ibraahim sheegay in Baananka islaamiga ah ay qabtaan dhammaan adeeegyada bangiyada caalamiga ah ay qabtaan amaba ay ka badsadaan. Maamulaha SOMGAS waxa uu mahadnaq u jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalland, Mr. Axmed Maxamuud Siilaanyo & Wasiirada Deegaanka Marwo Shukri oo ka shaqeeyay dhiirigelinta Gaaska wax lagu karsado; si loo ilaaliyo degaankeena. Eng. Muuse, isaga oo la hadlaya Saamilayda Shirkadda waxa uu yidhi; “Qaybo ka mid ah faa’idada aad sannadka qaadanaysaa waxa soo kordhiyay TEC. Waxaan u baahanahay taageeradiina, waxana kow ka ah in aad adeegyaga isticmaashaan.” Xaaji Cabdikariim Xuseen, oo ka mid ah odayaasha & guurtida ugu da’da weyn Somaliland, ayaa kulankaasi ka soo jeediyay ammaan & ereyo duco ah. “llaahay shirkadda ha inoo barakeeyo iyo guushaasi aynu gaadhno. Illaahay abaaraha ha inaga qaado. Sidii roon rabbi ha ina waafajiyo,” ayuu yidhi Xaajigu. Suldaan Axmed Daahir, oo ka mid ah saamilayda shirkadda waxa uu yidhi: “Aynu qaadano dardaaraka la ina siiyay oo ambassadors (safiiro) aynu noqono.” Ugu dambeyn; kulankaasi saamilayda Telesom ayaa ku soo dhammaaday jawi aad u wanaagsan. Wajaalenews.net Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|